Kooxaha Premier League Oo Dhammaan Gaadhay Go’aankii Ay Dunidu Sugaysay, Xilli Ciyaareedka Oo Ay Ka Tashadeen & Haddii Liverpool Laga Farxiyay.

Dhammaan kooxaha Premier League ayaa lagu soo warramayaa inay go’aan ka gaadheen xilli ciyaareedkan kaddib markii horyaalkaas si hordhac ah loo joojiyay ilaa 30-ka bisha dambe ee April kaddib xaalada adag ee uu dunida galiyay caabuqa Coronavirus.

Liverpool ayaa haatan ah kooxda hoggaanka u haysa horyaalka iyagoo 25 dhibcood ka gacan sarreeya kooxda booska labaad ee Manchester City isla markaana inay abaarta horyaalka iska reebaan kaliya ay ka xigaan laba guulood.

Kaddib hakadka la galiyay horyaalka, Jamaahiirta Reds ayaa ahaa kuwo qabay wer-wer weyn iyagoo ka fikiraya haddii horyaalka gabi ahaanba la kansali doono oo ay dhacdaba in xaalada Coronavirus ay kasii darto.

Haddaba, Sida laga soo xiganayo wargeyska The Athletic gaar ahaan saxafi David Ornstein, Dhammaan kooxaha horyaalka ayaa ah kuwo gaadhay go’aan ka farxiyay Liverpool iyagoo ku tashaday inay horyaalka dhammaystiraan.

Ornstien ayaa yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya “Waxa jira ka go’naansho dhammaystiran oo ka dhexeeya kubadda cagta England si ay u dhammaystiraan xilli ciyaareedka, In horyaalka la kansalaa gabi ahaanba maaha mid miiska saaran”.

Warkan ayaa ah mid ka farxinaya ugu horreynba Liverpool si lamid ah kooxaha heerka labaad ka cararaya iyo waliba kuwa heerka labaad kasoo dalacaya ee sugaya kooxo soo daadaga.

1 Comment

  1. nayad kab ayaa ku dhici doona ciyaartowda liverpool hadii sidaa lagu jooJiyo horyaalka

Comments are closed.