WAR U FIICAN REAL MADRID: Saxeexa Barcelona Ee Frenkie de Jong Oo Shaki Ku Jiro Inuu Ciyaari Doono Kulanka Real Madrid vs Ajax Ee Arbacada

Real Madrid ayaa lagu wargeliyey in kubbad-sameeyaha ay dhawaanta iibsatay Barcelona ee Frankie De Jong uu dhaawacan yahay, isla markaana uu mugdi ku jiro inuu safan karayo kulanka ay kula ballansantahay Ajax Amsterdam Arbacada toddobaadkan.

Real Madrid ayaa lugta koowaad ee wareegga 16-ka tartanka Champions League waxay la ciyaari doontaa Ajax, waxaase ay u badan tahay in aaanu ka hor imanin De Jong oo ah xiddiga kooxda reer Netherland oo dhaawac kasoo gaadhay ciyaar ka tirsanayd horyaalka Eredivisie ee dalka Holland oo kooxdiisu la ciyaartay Heracles.

De Jong ayaa garoonka laga saaray ka hor intii aanay dhamaanin ciyaartaasi, welina ma cadda inuu taam u noqon karo kulanka Real Madrid iyo in kale, hase yeeshee waxa la aaminsan yahay in ugu yaraan lagu soo dari doono liiska xiddigaha Ajax ee kulankan.

SIDOO KALE AKHRISO:  Barcelona Oo Hal Arin Ka Dalbatay Neymar Inuu Sameeyo Ka Dib Markii La Soo Diiday Dalabkoodii Ugu Danbeeyay

Ajax ayaa ciyaarta uu kaga dhaawacmay De Jong waxa kasoo gaadhay khasaare 1-0 ah, waxaana ay taasi keentay in lix dhibcood ay hoos uga dhacdo PSV Eindhoven oo hoggaanka horyaalka haysa.