WAR LA SUGAYAY: Xavi Hernandez Oo Dunida U Sheegay Warkii La Sugayay & Sababtii Uu Barcelona U Diiday Oo Uu Si Cad U Sharraxay.

Advertisements

Tababaraha kooxda Al Sadd ahna halyeeyga kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa sharaxaad faah-faahsan ka bixiyay sababtii uu ugu gacan saydhay heshiiskii doorka tababarenimo ahaa ee ay usoo bandhigtay kooxdiisii hore.

Xilli uu ku gudo jiray shirka jaraa’id ee ka horreeya kulanka Final-ka Qatar Cup ee ay Al Sadd jimcaha la ciyaari doonto dhigeeda Al Duhail ayuu Xavi xaqiijiyay in Barca uu dalab kasoo gaadhay.

Xavi ayaa sheegay inuu dalab kasoo gaadhay Eric Abidal iyo Oscar Grau balse sababta ugu weyn ee uu ku diiday ay tahay inay wali xilli hore tahay oo uusan Barcelona tababari karin balse waxa uu dhinaca kale xaqiijiyay in shaqadaasi ay wali riyadiisa tahay.

“Haa, Dalab ayaan ka helay Barcelona iyadoo ay joogeen Eric Abidal iyo Oscar Grau laakiin anigu maan aqbalin gaar ahaan maadaama oo ay tahay wakhti hore oo aan Barcelona tababaro, Laakiin wali waxay ahaan doontaa riyadayda mustaqbalka inaan noqdo tababaraha Barca”.

Dhinaca kale Xavi ayaa sheegay inuu go’aankiisa ku wargeliyay dhammaan shaqsiyaadka ku hareeraysan oo uu saddex maalmood oo xaalad adag ah soo qaatay laakiin uu imika si buuxda diirada u saarayo kooxdiisa Al Sadd.

“Ugu horreyn waxaan u sheegay qoyskayga kaddib ciyaartoyda Al Sadd sababtoo ah iyagu way la socdeen arrinka, Saddex maalmood maan joogin booskaygii ugu wanaagsanaa laakiin haatan gabi ahaanba waxaan diirada saarayaa Al Sadd”.

Advertisements

Ugu dambayn, Xavi oo amaanaya tababaraha cusub ee Barcelona Quique Setien ayaa yidhi “Waan jecelahay tababaraha cusub ee Barcelona, Waan jecelahay qaabka uu u shaqeeyo guul ayaanan uga rajaynayaa kooxda”.

Advertisements