Jurgen Klopp Oo Si Cad U Kala Doortay Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi.

Xiddigaha kooxaha Barcelona iyo Juventus ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa loo arkaa inay yihiin laba kamid ah ciyaaryahanada ugu wanaagsan abid kubadda cagta balse aragtida ah midka labadooda wanaagsan ayaa wali lagu murmaa.

Labadan xiddig ayaa awood cadaan ah kusoo qabsaday jiilasha haatan ee kubadda cagta kaddib markii ay kusoo guuleysteen 11 Ballon d’Or oo kamid ah 12-kii ugu dambeeyay ee la bixiyay.

Marka laga yimaado abaalmarinaha shaqsiga ah ee aadka u tirada badan ee ay soo hanteen, sidoo kale Ronaldo iyo Messi ayaa kooxaha ay kala matalayeen sanadahaas badan kusoo guuleeyay koobab badan oo waaweyn.

Si kastaba, iyadoo labaduba ay labadii sano ee ugu dambeeyay soo wajaheen Jurgen Klopp iyo kooxdiisa Liverpool ayaa tababaraha ree Germany la weydiiyay inuu kala doorto labada ciyaaryahan midka la wanaagsan.

Klopp ayaa si weyn u amaanay labada xiddigba isaga oo ku sheegay kuwo ku dhawaad aan laga difaacan karin goolasha balse isaga ahaan waxa uu doorbiday kabtanka Barcelona ee Lionel Messi.

“Aniga ahaan waxaan dooranayaa Messi, laakiin anigu Ronaldo lama dhici karo in ka badan inta aan xilli horeba isaga jecelahay” Ayuuu Klopp u sheegay barta Youtube ee Freekickerz.

“Sharaxaadu waa sidan soo socota, labadoodaba hore ayaanu u wajahnay ku dhawaadna waa wax aan suurogal ahayn in la difaacaa”

“Laakiin Messi waxa uu leeyahay baahiyo jidh ahaaneed oo ka yar (kuwa Ronaldo) min markii ay dhasheen, haddii aad naftaada ku nashqadayn karto ciyaaryahan dhammaystiran, waa inuu lahaado dhererka Ronaldo, waa inuu u boodi karo oo uu u ordi karo si u dheer joog ahaan ama u dhakhso badan sida Ronaldo”

“Waxa intaas lagu dari karo ayaa ah hab fikirkiisa guud, gabi ahaanba waa mid dhammaystiran oo xirfadle ah, ma noqon karto sidan si ka wanaagsan”

“Dhinaca kale waxa jira Messi yar oo waxkasta ka dhiga kuwo u muuqda wax aad u fudud, sidaas darteedna anigu waan jeclahay isaga in badan ka ciyaaryahan garoonka ku jira ahaan, laakiin Cristiano sidoo kale waa ciyaaryahan gabi ahaanba cajiib ah”

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook

8 Comments

  1. jurgen klopp hadalkaas dheh ismaad lahayn ee shaydaan baa kaa keenay baan filayaa waayo waxaa 100% wanaagsan ronaldo

  2. Waxaan filayaa odaygu weli waxaanu iloobin xanuunkii finalkii keiv. Viva cr7. Hola Madrid.

Comments are closed.