WAR CUSUB: Wariyihii Dunida Kaga Yaabsaday Heshiiskii Uu Neymar Ugu Biiray PSG Laba Sano Kahor Oo Afka Furtay & Saadaal Uu Ka Bixiyay Mustaqbalka Neymar & Coutinho

Wariyaha ree Brazil ee Marcelo Bechler oo ahaa ninkii markii ugu horreysay qarxiyay heshiiskii uu Neymar JR ugu biiray Paris Saint-Germain 2017-kii ayaa markale hadlay isaga oo aragtidiisa ka dhiibtay mustaqbalada Coutinho iyo Neymar.

Bechler ayaa laba sano kahor kasoo yaabsaday dunida kubadda cagta waxaana uu cid kasta kahor sii shaaciyay in Neymar uu wakhtigaas u wareegayo Paris Saint-Germain taas oo ugu dambayn qabsoontay.

Haatan, Wariye Marcelo Bechler ayaa markale waraysi siiyay shabakada Goal waxaana uu uga warramay aragtidiisa ku aadan mustaqbalada xiddigaha dalkiisa ee Neymar iyo Philippe Coutinho.

Marcelo ayaa sheegay in Neymar uu waxkasta oo kale Barcelona u samayn karo xataa uu mushaharkiisa dhimi karo balse uusan ogolaan doonin in kooxdu ay diido lacagtii gunada ahayd ee uu ku lahaa isla markaana ay maxkamada iskula galeen.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in heshiiskii uu ugu wareegay Paris uu ka fududaa midka haatan maadaama ay wakhtigaas jirtay lacag cayiman oo heshiiskiisa lagu bur-burin karayay.

Sidoo kale wariye Marcelo Bechler ayaa saadaal buuxda ku sameeyay in Neymar uu xilli ciyaareedka dambe Barcelona ka ciyaari doono isaga oo taa bedelkeeda qaba in Coutinho uu dhinaca Paris ahaan doono.

Bechler oo sharaxaad bixinaya ayaa yidhi “Waxaan filayaa inuu dib u laaban doono (Barcelona) laakiin waa aragti uun, Haddii aynu u eegno ka rabitaanka ciyaartoy ahaan, In PSG ay doonto inay dhibaatada ka takhalusto iyo Barcelona, Waxaan filayaa in heshiiskiisa la dhammayn doono, Heshiiskii 2017 waxa uu ahaa mid aad uga fudud sababtoo ah waxa jirtay lacag lagu bur-burin karayay”

“Isagu muu la qabsasho fudud oo nolosha Paris ah laakiin sidoo kale muu samayn dadaal waxa uu ahaa mid aad uga durugsan qolka labiska iyo nolosha maalinlaha ah ee magaalada”

“Waxba muu samayn si uu luuqada u barto wuxuu isku dayay inuu dhufays xoogan la samaysto xiddigaha Brazil ee kooxda jooga manay shaqayn”

Wariyaha oo Coutinho ka hadlaya ayaa markale yidhi “Maanta Coutinho waa ciyaartoy Barcelona ah 100%  lakiin wakhti kasta dalab wanaagsan ayaa iman kara bixitaankiisana waa la shaacin karaa”

“Dareenkayga ayaa ii sheegaya in xilli ciyaareedka dambe Neymar uu joogi doono Barca Coutinho-na PSG, Wuxuu heshiiskaasi u wanaagsanaan karaa dhammaan dhinacyada”