WAR CUSUB: Tababare Pochettino Oo Ka Hadlay Xaaladii Ugu Dambaysay Ee Dhaawac Kasoo Kabasho Ee Harry Kane, Miyuu Taam Buuxa U Noqday Final-ka Champions League?

Tababaraha kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa markale ka hadlay wax ku saabsan xaalada dhaawac kasoo kabasho ee weeraryahankiisa Harry Kane maalmo kooban kahor Final-ka Champions League ee ay la balansan yihiin Liverpool.

Final-kan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee Yurub ah ee ay Tottenham gaadho mudo 35 sano ah waxaana ay markii ugu dambaysay ee ay heerkan soo gaadheen UEFA Cup kaga guuleysteen kooxda ree Belgium Anderlecht oo ay rigoorayaal ku garaaceen.

Dhinaca kale Liverpool ayaa ah mid khibrad ahaan ka balaadhan kooxda ree London waana markoodii sagaalaad ee ay soo gaadheen Final-ka Champions League iyaga oo ay sidoo kale u tahay xilli ciyaareedkii labaad ee xidhiidh ah.

SIDOO KALE AKHRISO:  Ma Sidanuu Ku Dambeeyay Xiddigii Loo Han-Weynaa? - Maamulka Real Madrid Oo Qaab Amaah Ah Ku Diri Kara Mid Kamida Shanta Saxeex Ee Dhawaan Kooxdooda Kusoo Biiray.

Tababare Pochettino oo ka warramay xaalada Kane ee haatan ayaa sheegay inuu galay meelihii ugu dambeeyay ee soo kabashadiisa balse uu si kastaba kooxda ku caawin doono haddii uu kusoo bilawdo, haddii uu keyd galo iyo haddii uu dhiirigelin kale siiyoba.

Pochettino ayaa yidhi “Isagu wuu tababaranayaa waxaana uu galay marxalada ugu dambaysa ee soo kabashadiisa”

“Waxaanu rajaynaynaa inuu awoodi doono inuu gacan na siiyo haddii ay noqoto inuu ku bilawdo, Haddii ay noqoto inuu keydka ku jiro iyo haddii ay noqon waydo kaddib uu na siin doono taageero niyadeed qolka labiska dhexdiisa ah, Laakiin waxaanu ku niyad wanaagsanahay inuu awoodi doono inuu awoodi doono inuu nagu caawiyo garoonka dhexdiisa”

SIDOO KALE AKHRISO:  CIID WANAAGSAN, CIID MUBAARAK! Kooxaha Waa Weyn Ee Yurub Oo Taageerayaashooda Ugu Hambalyeeyay Munaasabada Ciida Carafo

Dhinaca kale Pochettino oo la weydiiyay inuu sharaxo meelaha ay Liverpool ku liidato iyo meelaha ay ku xoogan tahay ayaa si guud ahaaneed u amaanay kooxda tababare Jurgen Klopp.

“Tan iyo markii uu Klopp yimid, Waxa ay badanaa joogteeyeen qaab dhismeed isku mid ah oo ciyaartooda ah, Waxaanu wajahi doonaa koox Liverpool ah kuwaas oo in badan oo ciyaartooda ah ku saleeyay deg deg, Baas saddex xagal ah iyo xawaaraha ay ku haystaan afka hore ee Mane iyo Salah”

“Firmino oo ku lug leh dhaq-dhaqaaqyada weerarka oo abuuraya meelo banaan, Daafac ahaan waa kuwo sidoo kale aad u adag waxaana ay haystaan khadad dhexe oo kooxda ka dhiga adag”