War Cusub Oo Kasoo Yeedhay Xaaladii Dhaawac Kasoo Kabasho Ee Xiddiga Ay Jamaahiirta Real Madrid Sugi La’yihiin Ee Eden Hazard – Miyuu Taam Buuxa U Yahay Kulanka Levante?

Eden Hazard ayaa war wanaagsan soo gaadhsiiyay jamaahiirta kooxdiisa Real Madrid ee ka war-sugaysay kasoo kabashada dhaawaciisa bawdada ahaa kaddib markii uu xerada tababarka kooxda ee Valdebebas kusoo laabtay isagoo kubadu cagtiisa ku jirto.

Xiddigii hore ee kooxda Chelsea ayaa dhawaan kasoo tagay liiska xulkiisa Belgium u matalaya kulmada isreeb-reebka ee EURO 2020 si uu ugu diyaar garoobo kulanka Levante ay la yeelan doonto Madrid 14-ka bishan September.

Tababarka uu Hazard shalay uu Khamiis ahayd qaatay ayaa ah mid uu ka dhex baxsanaa xiddigaha kale ee kooxda oo uu kaligii qaatay balse waxa la filayaa inuu sagaalka maalmood ee soo socda kusoo laaban doono safka tababare Zidane.

Soo laabashada Hazard ayaa kusoo aadaysa wakhti ay baahi weyn u qabto kooxdiisu maadaama oo ay kulanka Levante kaddib ciyaar adag kusoo ciyaari doonto Parc des Princes oo ay PSG ku booqanayso kulanka furitaanka ee UEFA Champions League.

Intaa waxa dheer in kulanka xiga uu sidoo kale u noqon doono mid adag maadaama oo ay booqanayso garoonka kooxda Sevilla ee Sanchez Pizjuan oo kamida garoomada ugu dhibka badan Spain.

Warka kale ee u wanaagsan Los Blancos ayaa ah in sidoo kale James iyo Brahim Diaz ay tababar ku qaateen garoonka halka Isco Alarcon uu sidoo kale xarunta jidh dhiska (GYM-ka) wakhti kusoo qaatay.

Ugu dambayn, Xiddigaha kale ee kala ah Marcelo, Ferland Mendy, Nacho, Odriozola, Vazquez, Mariano Diaz iyo Rodrygo oo aan wicitaano ka helin xulalkooda ayaa tababarka la qaatay kooxda yar yar ee Madrid ee Castilla.