WAR CUSUB: Marcelo Oo Qarxiyay Sirta Wakhtigii Uu Cristiano Ronaldo U Sheegay Inuu Real Madrid Ka Baxayo & Haddii Uu CR7 Kula Midoobayo Juventus Oo Uu Si Cad Uga Jawaabay.

Bixitaankii kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa suuqii xagaaga dad badan ku noqotay layaab marka laga reebo Marcelo Vieira kaas oo horeba u ogaa in Ronaldo uu ka baxayo kooxda kahor oo uu u sheegay kahor Final-kii Champions League.

Labadan ciyaartoy ayaa asxaab aad iskugu dhaw ku ahaa Madrid, Marcelo ayaana haatan daboolka ka qaaday in Ronaldo uu u sheegay bixitaankiisa xilli ay ku jireen tababarada ay iskugu diyaarinayeen kulankii Final-ka Champions League ee Liverpool.

“Waxaanu u tababaranaynay Final-ka markii uu ii sheegay inuu tagayo” Ayuu Marcelo ku yidhi waraysi uu siinayay Esporte Interativo.

“Ma waxa uu kuu sheegay Final-ka kahor? Kaddib been baad ii sheegtay” Ayuu ku fal celiyay wariyaha waraysiga ka qaadayay xiddiga ree Brazil.

“Haa, Way ahayd inaan sameeyo” Ayuu markale ku jawaabay Marcelo.

Dhinaca kale, Marcelo ayaa ka hadlay warka xantiisu badatay ee la xidhiidhinaya kooxda Juventus isla markaana xusaya inuu dib ula midoobayo Ronaldo.

Markale Marcelo oo ka jawaabaya warkaas ayaa yidhi “Juve waa koox weyn, Laakiin waxaan qandaraas kula jiraa Real Madrid”

Si kastaba ha ahaatee, 30 jirkan ayaa haatan saaxiib la noqday kursiga keydka kaddib inuu booskiisa kala baxay 23 jirka akaademiyada kooxda kasoo najaxay ee Sergio Reguilon.