WAR CUSUB: Liverpool Ha Iskaga Fogaato Matthijs De Ligt Waxa Uu Ku Noqon Doonaa VIRUS Sababtan Ayayna Uga Qoomamayn Doonaan Haddii Ay La Saxeexdaan!!.

Waxa halkooda kasii socda dadaalada badan ee ay kooxo badan oo Yurub ahi ugu jiraan saxeexa da’yarka kooxda Ajax ee Matthijs De Ligt kaas oo magaciisu yahay midka ugu hadal haynta badan suuqa ee xagaagan.

Kooxda Liverpool oo dhawaan loo caleemo saaray horyaalnimada Yurub ayaa kamid ah lix kooxood oo ku jira dagaalka De Ligt iyadoo kooxaha kale ay yihiin Man United, Barcelona, Bayern Munich, Juventus iyo PSG.

Waxa la aaminsan yahay in De Ligt uu doonayo inuu Barcelona kula midoobo saaxiibkiisii Ajax ee Frankie De Jong balse wakiilkiisa Mino Raiola ayaa lid ku ah heshiiskaas.

Sababta uu wakiil Raiola uga soo horjeedo in Barcelona uu ku biiro De Ligt ayaa ah maadaama oo ay Barcelona diiday inay heshiiskan dhaqaale ahaan gaadhsiiso heerka Man United iyo PSG.

Wargeyska The Mirror ayaa sheegaya in wakiilkani uu jeclaan lahaa in Liverpool uu 19 jirkani kula midoobo Virgil Van Dijk oo ay ku midaysan yihiin daafaca dhexe ee xulka Holland.

In De Ligt uu u wareego Anfield ayaa cudur ku dhex faafin karta qolka labiska ee kooxda waxaana ay sababta ugu weyni tahay mushaharka uu dalbanayo da’yarkani.

19 jirkan ayaa doonaya heshiis uu toddobaadkii ku qaato £236,000 kun halka shaqsiga haatan ugu mushaharka badan Liverpool oo ah Mohamed Salah uu qaato £200,000.

In Liverpool ay bixiso rabitaanka Matthijs ayaa ka dhigi doonta inuu noqd ciyaartoyga ugu mushaharka badan Reds waana wax ay ka cadhoon doonaan xiddigaha kale ee kooxdu oo qas badan dhalin kara.

Van Dijk oo la filayo inuu dhawaan u tartamo Ballon d’Or ayaa Anfield ku qaata £150,000 toddobaadkii waxaana uu ka cadhoon doonaa in 19 jirkan uu ku barbaariyo xerada tababarka ee Netherland ku dhawaad 100,000 kun ka sarreeyo toddobaadkii.