WAR CUSUB: Juventus Oo Miiska Soo Saartay Dalabkii Ugu Macquulsanaa Ee Ilaa Haatan Paul Pogba Laga Soo Gudbiyay & Riyadii Real Madrid Oo Bur-Buri Karta.

Khadka dhexe ee kooxda Manchester United Paul Pogba ayuu mustaqbalkiisa kooxdaasi soo ahaa mid in mudo ahba aan degenayn waxaana la filayaa in kooxdiisa xigta ay noqon doonto Real Madrid ama Juventus midkood.

Madrid iyo Juve ayaa labaduba kala haysta laba hub, Madrid ayaa ku dagaalamaysa in ay tahay kooxda riyada ee Pogba sida uu isaguba sheegay halka Bianconeri ay tahay kooxdii dunidaba bartay 26 jirkan abaalkaasna ay ku leedahay.

Iyadoo ay sidaas tahay ayuu Pogba doonayaa loolan cusub iyo inuu ka baxo Manchester sidii uu dhawaan sheegay balse United ayaa diyaar u ah inay adkayso heshiis kasta oo uu kaga baxayo.

Red Devils ayaa la fahamsan yahay inay gabi ahaanba diideen wax dalabaad ah oo kale isla markaana ay doonayaan 150 Milyan oo kaash cadaana ah taas oo ku adkaatay kooxaha kale.

Haatan, Juve ayaa keentay qorshe cusub sida laga soo xigtay wariye Nicolo Schira kaas oo sheegay inay doonayaan inay Manchester ku qanciyaan 70 Milyan oo lagu daray Paulo Dybala.

Dybala ayaa caadiyan suuqa ku qiimaysan 100 Milyan walow ciyaartiisu ay gaabis gashay xilli ciyaareedkii hore hadana heshiiskan ayaa noqon kara mid aysan ka dhago adagyin madaxda Old Trafford haddiiba uu hadalka wariyahani sax yahay.

Schira ayaa yidhi “Juventus waxay ku adkaysay Mino Raiola (Wakiilka Pogba) inuu soo celiyo Paul Pogba, Paratici  waxa uu diyaar u yahay inuu u bandhigo lacag (70 Milyan oo euro) oo lagu daray Paolo Dybala balse Manchester United waxay doonaysaa 150 Milyan”

“Si lamid ah Real Madrid iyo Zidane waxay tartan ugu jiraan Pogba waxaana ay doonayaan inay soo gabo-gabeeyaan”