WAR CUSUB: Heshiiskii Ay Barcelona Kula Wareegaysay Daafaca Ajax Ee Matthijs de Ligt Oo La Dhammaystiray & Madaxa Wargeyska Ugu Caansan Holland Oo Shaaciyay.

Valentijn Driessen oo ah madaxa wargeyska ugu caansan dalka Holland ee De Telegraaf ayaa shaaciyay in heshiiskii ay kooxda Barcelona ku doonaysay daafaca kooxda Ajax Amesterdam ee Matthijs De Ligt uu yahay mid xaalad is afgarasho laga gaadhay.

Wargeyskan ree Holland ayaa maanta shaaciyay in heshiiska ay labada dhinac doonayeen ay ku heshiiyeen isla markaana uu ka qabsoomay shir lagu qabtay xarunta loo yaqaan ECA oo ay wakiilada labada kooxoodba ku sugnaayeen.

Wariye Valentijn Driessen oo arrimahaas ka hadlaya ayaa shegay in haatan waxkasta soo cadaadeen isla markaana ay haatan kooxda ree Holland isku diyaarinayso helista lacagaha ay kaga iibisay Barca xiddiga.

Driessen ayaa yidhi “Way iska cadahay in De Ligt uu Ajax uga tagi doono ku biirista Barca, Ajax sida iska cad waxa ay isaga u ogolaadeen inuu tago haatan waxaana ay kaliya haatan isku diyaarinayaan lacagta heshiiskiisa taas oo ay go’aansan doonaan labada dhinac”

Ajax ayaa la filayaa inaysan wax cadaadis ah saari doonin De Ligt si ay kooxda ugu sii hayso suuqa xagaaga kaddib iyaga oo taa bedelkeeda ixtiraami doona go’aankiisa iyo midka wakiilkiisa Mino Raiola.

Sidoo kale Ajax ayaan Matthijs kahor istaagi doonin inuu Camp Nou kula midoobo saaxiibkiisa Frankie De Jong kaas oo xilli horeba heshiiskiisa ay labada dhinac isku afgarteen.

Warar kale ayaa sheegaya in xidhashada maaliyada Blaugarana ay tahay riyada De Ligt oo uu waxkasta u samayn doono sidii uu riyadaas u rumayn lahaa.

Ugu dambayn, Sida la filayo 19 jirkan ayaa doonaya in heshiiskiisa la dhammaystiro dhawaan si uu intaa kaddib diirada u saaro Ajax oo u tartamaysa horyaalka Eredivise iyo tartanka Champions League oo ay wareega siddeeda kula balansan yihiin Juventus.