WAR CUSUB: Donny Van De Beek Oo War Cusub Kasoo Saaray Fursada Uu Real Madrid Ugu Wareegayo Inta Ka Hadhay Suuqa Qaarada Yurub – Miyuu Ka Farxiyay Jamaahiirta Los Blancos?

Khadka dhexe ee kooxda Ajax ee Donny Van de Beek ayaa war cusub kasoo saaray wararka la xidhiidhinaya kooxda Real Madrid mudooyinkii ugu dambeeyay iyo suurogalnimada uu ugu wareegi karo mudada ka hadhay suuqa kala iibsiga.

Van de Beek ayaan mudo dheer bar-tilmaameed usoo ahayn Los Blancos balse wararka la xidhiidhinaya ayaa ahaa kuwo soo badanaya tan iyo markii ay kooxdaasi gar-waaqsatay inay seegayso xiddigahay inta ugu badan doonaysay.

Paul Pogba ayaa ahaa bar-tilmaameedka koowaad ee uu suuqa ka doonayay tababare Zinadine Zidane balse waxa eryaya Madrid qiimaha 180-ka Milyan ee euro ah ee ay dalbatay Manchester United.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Kooxda Arsenal Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Dhamaystirka Difaacii Chelsea Ee David Luiz Iyo Lambarka Uu Qaatay Oo La Shaaciyay.

Christian Eriksen ayaa ahaa xiddiga la sheegay inuu si gaar ah u doonayay madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez balse isagana heshiiskiisa uu kaga soo wareegayay Tottenham ayaa ah mid aan dar dar badan lahayn.

Si kastaba, Waxa ay haatan iskugu soo biyo shubatay Van de Beek kaas oo inta u dhaxaysa 45 Milyan ilaa 60 kaga soo dagi kara Estadio Santiago Bernabeu si uu u xoojiyo khadka dhexe ee Madrid ee hoos u dhaca soo muujiyay.

Donny oo saxaafada u warramay kulankii isreeb-reebka Champions League ka tirsanaa ee ay POAK la yeesheen ayaa sheegay in Ajax iyo Real Madrid ay labaduba yihiin kooxo cajiib ah balse ay jirto suurogalnimo badan oo uu Ajax kusii joogi karayo.

SIDOO KALE AKHRISO:  Liverpool Oo Anfield Ku Xasuuqday Kooxda Norwich City Iyo Reds Oo Heshay Bilaabashadii Ay Doonaysay.

Van de Beek ayaa hadalkiisa ku furtay “Waxba hubaal maaha wali, Laakiin waxa jirta fursad wanaagsan oo aan halkan (Ajax) kaga sii wadan doono, Waxkasta oo dhaca, Real Madrid iyo Ajax labaduba waa kooxo cajiib ah, Anigu ma caban karayo”

Hadalka Van de Beek ayaa ah mid aan u wanaagsanayn dhagaha jamaahiirta Real Madrid ee xiisaynayay inay kooxdooda ku arkaan kahor xidhitaanka suuqa kala iibsiga.