WAR CUSUB: Ciyaartoy Chelsea Ah Oo Ku Tashanaya Bixitaanka Eden Hazard & Maaliyada No.10 Oo Uu Haatanba Kooxda Kasii Dalbaday Haddii Hazard Baxo.

Xiddiga kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa maalinba maalinta ka dambaysa kusii dhawaanaya inuu ka baxo kooxdaas iyadoo haatan la mudeeyay wakhtiga uu rumayn doono riyadiisa una wareegayo kooxda doonaysa ee Real Madrid.

Ciyaartoyda Chelsea ayaa intooda ugu badani diidan in Hazard uu baxo balse da’yarka Callum Hudson-Odoi ayaa u muuqda mid fursad haatanba kasii dhex raadiyay waxaana lagu soo warramayaa inuu maamulka kooxdiisa ka dalbaday maaliyada No.10 ee Hazard haddii uu baxo.

Hudson-Odoi ayaa ku dhawaaday inuu bishii January ku biiro kooxda ree Germany ee Bayern Munich balse Chelsea ayaa waxkasta u samaysatay si ay u ceshato maadaama oo ay ka ganaaxan tahay suuqa kala iibsiga.

Ganaaxaas ayaa haatan ah mid si rasmi ah ugu dhacay Chelsea balse waxay u muuqdaan kuwo aan waxba ka qaban karin in Hazard uu u wareego Santiago Bernabeu.

Waxa la filayaa in Hazard uu ugu dambayn lacag dhan 100 Milyan ugu wareegi doono Real Madrid taas oo masuuliyad intii hore ka badan siin doonta Callum Hudson-Odoi oo tan iyo burburkii heshiiskiisa Bayern ee bishii January fursado intii hore ka badan helayay.

Hudson-Odoi ayaa boos joogta ah ka helay kooxda isaga oo hantiyay kalsoonida tababare Maurizio Sarri kahor intii uusan gaadhin dhaawac xun oo boqonta kaga dhacay soona af-jaray xilli ciyaareedkiisa.

Si kastaba, Shabakadda Goal ayaa haatan sheegaysa in Chelsea ay boos wanaagsan u joogto sidii ay ku qancin lahayd in Callum Hudson-Odoi uu kooxda sii joogo balse dalabaadkiisa ayuu ku daray No.10 haddii uu Hazard kooxda faarujiyo.