WAR CUSUB: Chelsea Oo Man United Ka Dul Qaadaysa Zinedine Zidane Si Uu U Noqdo Badalka Tooska Ah Ee Maurizio Sarri Iyo Eden Hazard Oo Go’aankiisa Badali Kara.

Maamulka kooxda Chelsea ayaa shir ka yeeshay xaalada cakiran ee ay kooxdoodu gashay kadib ceebtii iyo waji gabixii ka soo gaadhay Etihad Stadium ee kulankii Premier league ugu danbeeyay waxayna hadda maamulka sare ee Stamford Bridge doonayaan in Zidane Zidane uu noqdo badalka tooska ah ee macalinka culayska wayni haysto ee Maurizio Sarri.

Maurizio Sarri oo horaantii xili ciyaareedkan loo magacaabay shaqada Chelsea ayaa badalay Antonio Conte laakiin inkasta oo uu Sarri si fiican ku bilawday waayihiisa Blues waxa uu hadda ku jiraa xaaladii ugu adkayd isaga oo eedayn badan kula kulmay ceebtii Blues ka soo gaadhay Manchester City.

Chelsea ayaa kaalinta lixaad ee Premier league u dhacday kadib guuldaradii 6-0 ka hayad ee Manchester City ka soo gaadhay waxayna hadda ka walwalsan yihiin in ay xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah seegaan tartanka xiisaha badan ee Champions league.

Wargayska The Sun ayaa shaaciyay in maamulka Chelsea ay shir ka yeesheen xaalada ay kooxdoodu ku jirto isla markaana ay ka wada hadleen in Zinedine Zidane ay ka dhigtaan badalka Maurizio Sarri marka uu xili ciyaareedkani soo dhamaado.

Sababta ay maamulka Chelsea ku doonayaan saxiixa Zinedine Zidane ayaan ahayn kaliya rekoodhka cajiibka ah ee uu Champions League ku leeyahay ee uu saddexda sanadood ee xidhiidhka ah ugula soo guulaystay Madrid balse waxay sidoo kale aaminsan yihiin in Zidane oo yimaada Stamford Bridge uu sabab u noqon karo in Eden Hazard uu kooxda ku sii nagaan karo isla markaana uu ka laaban karo go’aanka uu Real Madrid ku doonayo.

Eden Hazard ayaa si shaqsi ah u taageera Zinedine Zidane kaas oo isaga laftiisu si gaar ah u jecel in xidiga reer Belgium waxayna hadda u muuqataa in maamulka sare ee Stamford Bridge ay ka fikirayaan qorshe cajiib ah oo ay Zidane ku keenayaan kooxda taas oo dabar adag ugu noqon karta qaabkii ay Eden Hazard kooxda ugu sii hayn lahaayeen.

Maurizio Sarri ayaa 12 kii kulan ee ugu horeeyay la soo guulaystay kooxdiisa Chelsea wuxuuna sidoo kale Blues u soo saaray finalka EFL Cupka oo ay Manchester City wada ciyaari doonaan laakiin maamulka Stamford Bridge ayaa in badan doonaya kubbada cagta Yurub ee Champions League taas oo ay hadda kaalintii afraad ee loogu soo baxay ka soo dhacday kooxdoodu.

Maurizio Sarri ayay hadda u muuqataa in aanu hal xili ciyaareed ka badsan doonin waaba haddii uu xili ciyaareedkan dhamaystee waxayna hadda maamulka Chelsea doonayaan in ay Zinedine Zidane ka hor qaadaan Man United oo muddo dheer lala xidhiidhinayay.