WAR CUSUB: Chelsea Oo Iibin Karta Goolhaye Thibault Courtois Iyada Oo Kooxaha Liverpool & Real Madrid Kula Soo Biiraysa Saxiixa Alisson.

Mustaqbalka goolhayaha xulka qaranka Belgium iyo kooxda Chelsea ee Thibault Courtois ayuu mugdi wayni sii galay kadib markii uu soo baxay war sheegaya in Blues ay tixiganayso in ay iibiso Courtois isla markaana ay ku soo biiri karto tartanka loogu jiro goolhayaha kooxda AS Roma ee Alisson kaas oo haddaba si xoogan loola xidhiidhinayo kooxaha Liverpool iyo Real Madrid.

Thibault Courtois ayaa ka mid ah xidigo muhiim ah oo ka tirsan kooxda Chelsea kuwaas oo mustaqbalkooda uu shaki ku jiro waxaana ka mid ah Willian oo diyaar u ah in uu Stamford Bridge ka baxo haddii uu Antonio Conte sii joogo Blues iyada oo hore loola xidhiidhinayay Manchester United.

Sky Sports qaybtiisa Italy ayaa shaaca ka qaaday in ay suurtogal tahay in Chelsea ay iibiso goolhaye Thibault Courtois kaas oo waqti dheer lala xidhiidhinayay Real Madrid, waxaana warbixintan lagu sheegay in Alsson uu yahay bartilmaameedka Blues haddii ay go’aan ku gaadho in Courtois ay iibiso.

Goolhaye Thibault Courtois ayaa waqti dheer soo diidanaa in uu heshiis cusub u saxiixo Chelsea isaga oo ka warqaba xiisaha xoogan ee uga imanayay kooxaha Real Madrid iyo PSG iyada oo waliba ay xaalada uga dartay in Chelsea ay xili ciyaareedka cusub ka maqnaan doonto UEFA Champions league.

Goolhaye Thibault Courtois ayaa kadib ku guulaysigii kooxdiisa ee FA Cupka waxa uu sheegay in la arki doono waxa dhici doona kadib koobka aduunka isaga oo waliba waqtiyo badan ka hadlay mustaqbalkiisa intii lagu jiray xili ciyaareedkii soo dhamaaday.

Iyada oo Eden Hazard laftiisu uu qayb ka yahay xidigo muhiim ah oo ay Chelsea doonayso in ay heshiisyo cusub ka saxiixato ayay saamayn wayn arintan ku yeelanaysaa hubanti la’aanta mustaqbalka Antonio Conte iyo waliba in Chelsea ay ka maqan tahay UEFA Champions league.

Eden Hazard ayaa shuruud ka dhigay in ka hor inta aanu saxiixin heshiiska cusub in uu marka hore eegi doono saxiixyada ay kooxdiisu samayn doonto si haddii aanu saxiixyadan ugu qancin uga bixi karo Stamford Bridge laakiin lama oga haddii uu wax xidhiidh ahi ka dhexeeyo goolhayaha qarankiisa Belgium ee Thibault Courtois.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa hadda soo baxay war sheegay in maamulka Chelsea ay iibin karaan Thibault Courtois halkii uu si xor ah kooxdooda kaga bixi lahaa marka uu heshiiskiisu dhaco maadaama oo uu ilaa hadda diidan yahay in uu qalinka u qaado qandaraaska cusub.