WAR CUSUB: Barcelona Oo Uu Damac Ka Galay Daafaca Liverpool Ee Virgil Van Dijk, Wakiiladiisa Oo Ay Wax Ka Weydiiyeen & Nooca Jawaabta Ay Heleen Oo La Ogaaday.

Daafaca dhexe ee kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa tan iyo markii uu kooxdaas kusoo biiray bishii January ee sanadkii hore qaab aan la rumaysan karin saamayn ugu soo yeeshay isaga oo 75-kii Milyan ee laga soo bixiyay wax yar ka dhigay.

Saxeexiisa ayaa ahaa midkii kor usoo qaaday daafaca Liverpool oo markii hore ahaa mid biyo sii days badan ilaa uu kasoo gaadhay heer aad u adag oo ay noqdeen kooxdii ugu daafaca fiicnayd Premier League xilli ciyaareedkii hore.

Liverpool ayaa xilli ciyaareedkii hore kusoo naalootay daafac wanaagsan kulamada Premier League waxaana ay kaliya qaabileen 22 gool 38-kii kulan ee ay soo ciyaareen.

Haatan ayaa daafacan lagu qiimeeyaa midka ugu wanaagsan booskiisa dunida waxaana hubaal ah in koox kasta oo caalamka ka jirta ay jeclaan lahayd saxeexiisa.

Si kastaba, Kooxda Barcelona ayaa noqotay mida ku dhiiratay inay isku daydo saxeexiisa waxaana ay wax ka weydiiyeen arrimihiisa shaqsiyaadka wakiilka ka ah iyaga oo aan gaadhin kooxda.

Sida laga soo xigtay John Cross oo ka hawl gala The Mirror, Barcelona ayaa damacday daafacan balse wakiiladiisa ayaan tix gelin rabitaanka Barca iyaga oo aan si dhab ah u qaadan oo iska diiday.

John Cross ayaa yidhi “Ha rajayn inay dhacdo wakhti uun, Laakiin Barcelona waxay samaysay xog ka weydiin haddii Virgil Van Dijk uu isku dayi karo inuu Liverpool ka tago”

“Iyaga (Barcelona) waxa si deg deg ah loo siiyay tix-gelin la’aan yar oo ay siiyeen wakiilada daafacan Dutch-ka ah, Iskumay dhibin inay si qoto dheer u qaataan”