WAR CUSUB: Agaasimaha Ciyaaraha PSG Ee Leonardo Oo Go’aan Ay Dhammaan Kooxihii Doonayay Neymar JR Ku Diirsadeen Qaatay.

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Leonardo ayaa lagu soo warramayaa inuu gaadhay go’aan cusub oo uu ku farxad galiyo dhammaan liiskii kooxaha ahaa ee doonayay garabka kooxdiisa ee Neymar.

Dabcan waxa jira arrimaha qaar marka aad filato inay dhammaadeen dib usoo kaca, Wararka xanta ah ee Neymar ayaa ahaa kuwo qaboobay kaddib xidhitaankiis suuqa qaarada Yurub marka laga yimaado in bishii August oo dhan si xoogan loola xidhiidhinayay Barcelona.

Si kastaba, Markale heshiiska Neymar ayaa noqon doona mawduuca ugu xasaasisan marka uu dib u furmo suuqu bisha January sida ay sheegayaan ilo wareedyo kala geddisani.

France Football ayaa sheegaya in Real Madrid ay ka war hayso horumarada iyo dhaq-dhaqaaqyada 27 jirka ree Brazil oo ay dalab ka gudbin doonto haddii PSG ay albaabada u furto heshiis qabsooma.

Isla wargeyskaas ayaa sheegaya in madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez uu wali baaqi kusii yahay xidhiidhada uu la samaynayay shaqsiyaadka ku dhaw dhaw Neymar.

Dhinaca kale wargeyska Tuttosport ayaa sheegaya in agaasimaha ciyaaraha Paris ee Leonardo uu gaadhay go’aanka ah inuu kooxda deg deg uga diro Neymar oo uu iibiyo suuqa bisha January.

Agaasimayaasha kooxda ree France ayaa doonaya inay ka maydhaan wararka xanta ah ee kooxdooda ku hareeraysan ee sheegaya in Neymar uu baxayo oo ay si rasmi ah u diraan.