WAR CAD: Tababare Zidane Oo Ugu Dambayn Meel Saaray Mustaqbalka Gareth Bale & Hadal Uu Kulankii Bayern Kaddib Oo Waxkasta Caddeeyay.

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa war kama dambays ah kasoo saaray mustaqbalka xiddiga kooxdiisa in laga fasaxo la doonayo ee Gareth Bale kaas oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay xaaladiisu adkayd.

Bale ayaa u muuqda mid dheeraad ku ah baahiyaha tababare Zidane ee Real Madrid waxaana uu gabi ahaanba seegay kulankii ay xalay Madrid guuldarada 3-1 ka ah kala kulantay Bayern Munich.

30 jirkan ayuu qandaraaskiisa haatan ee Real Madrid ka hadheen saddex sano waana sababta ay ugu adkaatay kooxdiisa inay xilli horeba iska dirto iyadoo lala xidhiidhinayo kooxo ay kamid yihiin Tottenham, Manchester United iyo Bayern.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Ernesto Valverde Oo Ku Dhawaaqay Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Ee Kulanka Athletic Bilbao Ee Furitaanka La Liga-Miyuu Lionel Messi Ku Jiraa?

Haddaba, Zidane ayaa sheegay in Bale uu aad ugu dhaw yahay inuu kooxda ka baxo isaga oo sheegay inay xataa macquul tahay in Bale uu ugu dambayn koox cusub yeesho 48-ka saacadood ee soo socda isla markaana ay sidaasi tahay wax isaga u wanaagsan.

Dhinaca kale tababare Zidane oo aad moodo inuu hadalkiisa ku muujinayo sida weyn ee uu u doonayo in Bale baxo ayaa sheegay inaysan jirin wax arrimo shaqsiyadeed ah oo labadooda ka dhexeeya.

Zizou oo arrimahaas ka warramaya ayaa yidhi “Waxaanu rajaynaynaa inuu si deg deg ah u tago, Waa waxa ugu wanaagsan ee qofkasta, Waxaanu ka shaqaynaynaa heshiiska uu ugu wareegayo koox cusub”

SIDOO KALE AKHRISO:  Wakiilka Caanka Ah Ee Jorge Mendes Oo Soo Gaadhay Magaalada Manchester & Faah-Faahinta Waxa Ka Cusub Heshiiska Bruno Fernandes Ee Man United.

“Anigu wax shaqsiyan ah isaga kalama horjeedo laakiin waxa yimaada wakhti arrimaha (Shaqada) la dhammaystiro, Sababtoo ah waa in la dhammaystiro, Waa inaan anigu sameeyo go’aano, Waa inaanu is bedelno”

“Bixitaanku waa go’aanka tababaraha iyo sidoo kale midka ciyaartoyga kaas oo og xaalada, Xaaladu way is bedeli doontaa ma ogi haddii ay 24 ama 48 saacadood gudahood tahay laakiin way isbedeli doontaa waana wax u wanaagsan qofkasta”