WAR CAD: Mikel Arteta Oo Runta La Wadaagay Jamaahiirta Arsenal & Haddii Ay Bishan Ciyaartoy Cusub Keenayaan Oo Uu Ka Hadlay.

Advertisements

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay arrimaha suuqa kala iibsiga ee kooxdiisa iyo haddii ay tahay in jamaahiirtu ay saxeexyo cusub sugaan gudaha bishan January.

Arsenal ayaa lala xidhiidhinayaa xiddigo dhawr ah dhawaanahan xilli ay isha ku hayaan in qaybta dambe ee xilli ciyaareedka ay dib usoo nooleeyaan rajadoodii godka dheer ku dhacday qaybtii hore.

Daafac dhexe oo cusub ayaa la aaminsan yahay inuu yahay bar-tilmaameedka koowaad ee Gunners halka sidoo kale la filan karo weeraryahan cusub sababtoo ah in mustaqbalka Aubameyang iyo Lacazette uusan hubaal ahayn.

Si kastaba, Marka laga yimaado inay wali sii wadaan helista natiijooyin aan wanaagsanayn oo ay bar-bardhac shalay lasoo galeen Crystal Palace ayuu Arteta si cad u sheegay inuusan wax badan ka rajaynayn madaxda kooxda bishan January.

Mikel oo u warramay talkSPORT ayaa yidhi “Wakhti xaadirkan ma jiraan wax soo socdaa, Kooxdu waxay ka shaqaynaysaa waxyaabo dhawr ah laakiin waad ogtihiin sida uu u adag tahay suuqani aniguna ma rajaynayo waxyaabo badan”.

Advertisements

“Anigu ma garanayo, Ma rajaynayo waxyaabo waaweyn, Waxaan wax badan ka rajaynayaa ciyaartoyda aan wakhti xaadirkan haysto, Ciyaartoyda kasoo kabanaya dhaawacyada”.

Advertisements