WAR CAD: Jose Mourinho Oo Jawaab Cad Ka Bixiyay Wararka La Xidhiidhinaya Inuu Dib Ugu Laaban Doono Kooxdiisii Hore Ee Real Madrid Si Uu Bedel Ugu Noqdo Julen Lopetegui.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa markii ugu horreysay wax laga weydiiyay haddii uu diyaar u yahay ku laabashada kooxdiisii hore ee Real Madrid si uu bedel ugu noqdo Julen Lopetegui oo haatan dhibaato ku maraya kooxdaas.

Jose Mourinho ayaa qaab gaabis ah ku bilawday xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League halka sidoo kale ay xaalad musiibo ah dhex dabaalanayso Madrid waxaana dhawaan soo baxay warar sheegaya in Jose uu iskaga baxsanayo Old Trafford si uu u dhaxlo booska Julen.

Tababaraha ree Portugal ayaa si cad u sheegay in mustaqbalkiisu uu yaalo kooxdiisa haatan ee United isaga oo dhinaca kale si dadban u sheegay inuu qandaraas cusub oo heshiis kordhin ah ka sugayo maamulka kooxda.

55 jirkan ayaana yidhi isagoo su’aashaas ka falcelinaya “Mustaqbalkaygu waa halkan, Waxaan ku jiraa qandaraas waxaanan ilaa dhammaadka qandaraaskeyga waxaan kaliya ka fikiri doonaa Manchester United, Waan ku faraxsanahay inaan halkan joogo mudo ka badan mida haatan”

Jose ayaa ku jira xaalad uu ugu dagaalamayo shaqadiisa waxaana uu dhawaan bareejo min 2 gool ah lasoo galay kooxdiisii hore ee Chelsea oo uu Stamford Bridge ku booqday.

Markale Special One iyo wiilashiisa ayaa marti gelin doona camaaliqda ree Talyaani ee Juventus oo uu hoggaaminayo Cristiano Ronaldo oo lasoo shaqeeyay kooxda iyo tababaraha labadaba.