WAR CAD: Ciyaartoy Liverpool Ah Oo Caddaystay Inuusan Ku Faraxsanayn Doorkiisa Kooxda Walow Ay Kooxdu Ku Naaloonayso Hoggaan Siddeed Dhibcood Ah Oo Horyaalka Ah.

Garabka kooxda Liverpool ee Xherdan Shaqiri ayaa banaanka keenay dareenkiisa kaga aadan doorkiisa kooxda ee haatan iyo sida uu farxad la’aanta u yahay walow ay kooxdu haatan hoggaan weyn oo siddeed dhibcood ah ku hayso Premier League.

Shaqiri ayaa kooxda Stoke City kaga soo biiray Liverpool xagaagii 2018 isaga oo ka warqaba inuu booskiisa joogtada ah ee kooxdaas kula dagaalami doono saddexleyda weerar ee Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Sadio Mane.

Shaqiri oo ka faaloonaya xaaladiisa haatan ayaa sheegay in waxa uu ka cadhaysan yahay ay tahay ciyaaris la’aanta ku haysata Anfield balse waxa uu dhinaca kale xusay inuusan marnaba wax dhibaato ah ku qabin tababaraha kooxda ee Klopp.

Dhinaca kale xiddigii hore ee Stoke City ayaa shaaca ka qaaday inuusan hal mar ka qoomamayn heshiiska uu ugu soo wareegay Liverpool.

Xherdan ayaa yidhi “Dabcan waan ka cadhaysanahay in aanan inta badan ciyaarin, Haddii aysan taasi ahayn fal-celinta uu sameeyo xirfadluhu waxa uu hayaa shaqo qaldan, Isagu (Klopp) shaqsiyan ugama faaloon karo doorka ciyaartoy kasta, Taasi waa caadi”

“Waxaanu haysanaa saf weyn oo hibo leh, Ciyaartoy badanina waa inay sugaan fursadooda, Anigu waligay dhibaato kuma qabin tababaraha, Isagu wuu ogyahay inaan diyaar ahay, Hal il-bidhiqsi kamaan qoomamayn u dhaqaaqistii Liverpool”.