WAR-BIXIN: Waa Sidee Xaalada Kooxaha Ree Madrid Kahor Final-ka UEFA Super Cup? Shaxaha Macquulka Ah & Real Madrid Oo Bilaabaysa Geediga Nolol Uu Ka Maqanyahay Cristiano Ronaldo.

Kooxaha kawada dhisan caasimada dalka Spain ee Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa ku jira diyaar garaw culus oo ay iskugu diyaarinayaan kulanka ay ku balansan yihiin Final-ka UEFA Super Cup, Labada kooxood oo xilli ciyaareedkii hore kusoo kala guulaystay UEFA Champions League iyo UEFA Europe League ayaa markan dhexdooda ku dagaalami doona koobkan.

Haddaba waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa xaalada diyaargaraw ee labada kooxood, Fursada ay haystaan xiddigihii kasoo muuqday Final-kii koobka aduunka iyo shaxaha macquulka ah ee ay labada kooxood kusoo shirtagi karaan 15 August.

Julen Lopetegui iyo Diego Simeone ayaa labaduba ku rajo weyn inay kulankaas kusoo shirtagaan 11-ka ciyaartoy ee safka hore ee kooxahooda si ay ugu loolamaan koobka ugu horeeya ee xilli ciyaareedka.

Real Madrid ayaa dhinaceeda filanaysa in xiddigaheedii qaybta ka ahaa Final-kii Koobka aduunka ee Raphael Varane, Luka Modric iyo Matteo Kovacic ay heli doonaan fursad kooban oo ay isugu diyaariyaan kulanka, Luka Modric oo kabtan u ahaa xulkii Croatia ee guuldarada la kulmay Final-kii koobka aduunka ayaa sheegay inuu tababarka kusoo laaban doono toddobaad kahor ciyaartaas, Luka ayaana la filayaa inuu horumarin doono shaxda Lopetegui.

Dhinaca kale Atletico Madrid ayaa qorshaynaysa inay kusoo gasho shaxdeeda ugu xoogan, Si lamid ah Los Blancos, Atletico ayaa dib u heli doonta xiddigaha Lucas Hernandez iyo Antoine Griezmann oo qayb ka ahaa xulkii France ee soo hantay koobkii aduunka.

 

Halkan Kaga Boggo Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood Ee Kulankan :

 

Real Madrid : Keylor Navas, Carvajal, Ramos, Nacho, Marcelo, Casemiro, Luka Modric, Kroos, Isco, Bale iyo Benzema

Atletico Madrid :  Oblak, Juanfran, Gimenez, Godin, Filipe, Rodrigo, Saúl, Koke, Vitolo, Griezmann iyo Diego Costa

Si kastaba ha ahaatee, Kulankan ayaa si gaar ah indhaha loogu hayn doonaa iyadoo Real Madrid noqon doonto kooxda aadka loo daawado qaabka ay u ciyaarayaan maadaama oo ay markii ugu horraysay sagaal sano kaddib bilaaban doonaan nolol uu ka maqanyahay mashiinkii goolasha ee kooxda ee Cristiano Ronaldo.