Waqtiga Uu Soo Gaadhayo Bernabeu, Qodobka Caqabadda Ah Ee Ku Jira Heshiiskiisa Iyo Real Madrid Oo Isku Diyaarinaysa Soodhoweynta Vinicius Jr

Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa soo dhoweynta xiddigeeda da’da yar ee Vinicius Junior oo toddobaadka dambe si rasmi ah uga soo xamaan urursanaya kooxdii uu amaahda kula joogay ee Flamengo oo ka dhisan waddanka Brazil..

Vinicius Jr. ayaa kusoo beegan magaalada Madrid July 17, markaas oo madaarka ay kaga hortegi doonaan masuuliyiinta kooxda, kaddibna si toos ah loogu soo gelin doono xarunta tababarka ee Valdebebas iyo garoonka Santiago Bernabeu.

Laacibkan oo Real Madrid ay ku iibsatay 45 milyan oo Euro kaddibna amaah ahaan ugu sii ciyaaray kooxdiisii Flamengo, ayaa marka uu soo gaadho Spain aan u wareegi doonin koox kale isagoo amaah ah sida uu dhigayo heshiiskii ay labada dhinac wada gaadheen.

Wariyaha reer Brazil ee Mauro Cezar ayaa sheegay in heshiis isfaham oo afka ahaa ay Real Madrid iyo Vinicius Junior isku waafaqeen in Madrid ay xaaraan ka tahay inay amaah ugu dirto koox reer Yurub, halkii ay taasi ka iman lahaydna loo ogolaado inuu kusii negaado Brazil.

Marka uu Vinicius yimaaddo Santiago Bernabeu July 17, waxa uu ku wargelin doonaa xidhiidhka kubadda cagta Brazil inuu degayo Madrid iyo inuu amaah ahaan ugu laaban doono dalkiisa, si loogu diiwaangeliyo ciyaaryahannada waddanka dibedda kaga maqan.

Toddobaadka dambe, taageereyaasha kooxda kubadda cagta Flamengo ayaa isku diyaarinaya inay roog cas u dhigaan, isla markaana sida madaxda ugu sii sugootiyaan, wakhtigaas oo ay dhacayso ciyaartiisa ugu dambaysa ee uu funaanadda kooxdaas xidhan doono oo uu ka hortegi doono Palmeiras.