Walwalka FIFA Virus- 16 Ciyaartoy Oo Kooxda Kowaad Ee Valerde Ka Tirsan Oo Ka Qayb Galaya Kulamada Caalamiga Ah Ee Koobka Aduunka.

Tababarayaasha heerka kooxaha waxaa ugu walwal badan marka la ciyaarayo kulamada caalamiga ah ee xulalka qaramada aduunka waxaana hore loogu soo bartay in kooxo badani ay dhibanayaal u noqdaan tababarka adag iyo kulamada caalamiga ah ee ay ciyaartoydu uga qayb galaan xulalka qaramadooda iyada oo nooca dhaawacyada ciyaartoyda waqtigan soo gaadha loo yaqaan FIFA VIRUS iyada oo xanuunkan loogu magac daray xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA maadaama oo ay kulamadan maamulaan.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Valverde ayaa ka mid ah tababarayaasha ay ciyaartoy badani kaga maqnaan doonaan kulamada isreeb reebka koobka aduunka ee labada usbuuc ee soo socda la ciyaari doono iyada oo waliba ay 16 ciyaartoy oo kooxda kowaad ee Barcelona ka tirsani ay u baxayaan kulamada heerka caalami.

Kadib marka ay Barcelona kooxda Las Palmas la ciyaarto axada waxay xidigaha kooxda Valverde u bixi doonaan xulalka qaramadooda waxayna inta ugu badan baaqi ku ahaan doonaan dalalka Yurub halka qayb ka mid ahi ay safar dheer u gali doonaan South America waana xidigaha walwalka ugu badan ku abuura Barcelona.

Ernesto Valverde ayaa maanka ku haya in marka laga soo laabto kulamada caalamiga ah ay kooxdiisu mari doonto imtixaankii ugu adkaa ee xili ciyaareedkan marka ay kooxda Atletico Madrid ku booqdaan Estadio Wanda Metropolitano waxaana kulankan la ciyaari doonaan October 14 oo ah isla marka laga soo laabto kulamada caalamiga ah

Laakiin sidoo kale Barcelona aya isla October 18 soo dhawayn doonta kooxda Olympiacos ee kulanka saddexaad ee heerka Groupyada Champions Leaque, wuxuuna Valverde ka walwalsan yahay in 16 ka ciyaartoy ee ka soo ciyaari doona kulamada caalamiga ahi ay soo laaban doonaan iyaga oo xaalad fiican ku jira.

Kadib Barcelona ee October 21 isla Camp Nou ku soo dhawayn doonta kooxda Malaga halka kulanka xiga u bixi doonto Athletic Bilabo. Haddaba halkan kaga bogo liiska 16 ka ciyaartoy ee Barcelona kaga maqnaan doona kulamada caalamiga ah iyo qaramada ay u soo ciyaari doonaan.

4- Gerard Piqué, Jordi Alba, Sergio Busquets ,Andrés Iniesta(Spain).

2-Leo Messi, Javier Mascherano (Argentina)

2-Lucas Digne, Samuel Umtiti (France)

2-Nélson Semedo, André Gomes (Portugal)

1-Marc-André ter Stegen (Germany)

1-Jasper Cillessen (Holland)

1-Thomas Vermaelen (Belgium)

1-Ivan Rakitic (Croatia)

1-Luis Suárez (Uruguay)

1-Paulinho (Brazil)