Walwal Intee La Eg Ayuu Antoine Griezmann Ka Qabaa La Kulanka Lionel Messi Oo Loo Sheegay Inuu Ka Careysan Yahay?

Antoine Griezmann ayaa qirtay inuusan sugi karin inuu ka garab ciyaaro xiddiga Barcelona ee Argentina Lionel Messi.

Ciyaaryahankii hore ee Atletico Madrid ayaa fursad u helin doonin inuu ka garab ciyaaro Messi booqashada ay Barcelona ku mareysa Japan madaama xiddiga Argentina uu ku jiro nasasiino ka dib markii uu ka qeyb qaatay Copa America.

Griezmann ayaa wareysi gaar ah uu siiyay jariirada Marca waxa uu kaga hadlay u wareegistiisa Barcelona, waxaana uu sidoo kale ka hadlay ka garab ciyaarista Messi.

Jariirada Marca ayaa weydiisay Griezmann madaama uu jecel yahay inuu xoriyad ku ciyaaro sida ay noqon karto inuu ka garab dheelo Messi, isagoo ku jawaabay:

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Weeraryahan Ay Dooneysay Man United Oo Qandaraas SAGAAL Sanno Ah U Saxiixay Kooxdiisa & Lacagta Lagu Burburin Karo Qandaraaskiisa Oo La Kordhiyay

“Haa, waxa ay noqon doontaa wax cajiib ah inaan ka garab ciyaaro isaga. Waxaan ku faraxsanahay inaan arko howl maalmeedkiisa caadiga ah, sida uu ku yahay tababarka, waxaan doonayaa inaan arko waxa uu ku sameeyo tababarka si aan anigana isagu dayo ama aan qaabkeyga ii gaar ah u sameeyo, waxaan doonayaan inaan ku barto garoonka dhexdiisa iyo banaankiisaba. Ma sugi karo ilaa iyo inta uu ka imaanaya. Diyaar ayaan u noqon doonaa wax walba ay igu qaadato.”

Wargeyska Marca ayaa sidoo kale weydiiyay xiddiga Faransiiska inuu u muuqdo qof aan ka walwal qabin in xiriirkooda uu xumaan karo madaama Messi iyo Suarez ay ka careysnaayeen qaabkii uu Griezmann u dhaqmay xagaagii hore.

SIDOO KALE AKHRISO:  Xidigihii Fashilmay, Kuwii Ismuujiyay Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Chelsea Iyo Leiceser City Ee Kulankii Stamford Bridge.

“Ma ahi qof adag. Waxaan jeclahay inaan dadka la macaamilo, inaan ku riyaaqo la joogooda. Waan hubaa inaan si fiican isku fahmi doono” ayuu ku jawaabay Griezmann.