Xubnaha UEFA Ee Go’aanka Ka Gaadhaya Ganaaxa Man City Oo Uu Ka Mid Yahay Madixii Fulinta Ee Liverpool.

Manchester City ayaa si adag war saxaafadeed ugu beenisay eedamaha iyo baadhitaanada ku socda ee la xidhiidha in ay jabisay sharciga dhaqaale wanaaga Yurub.

Man City ayaa been abuur ku tilmaantay cadaymaha la soo bandhigay ee lagu muujiyay in ay been ka sheegeen xisaab xidhkooda iyo waliba in ay lacago aan kubbada cagta ka soo bixin heshiisyo been ah ku samaysteen.

Laakiin Man City ayaa walwal kale la kulmaysa iyada oo madixii fulinta kooxda Liverpool uu qayb ka yahay siddeeda xubnood ee go’aanka gaadhaya in Man City laga cidhibtiro tartanka Champions League.

Madixii fulinta Liverpool ee Rick Parry oo Reds ka soo shaqaynayay muddadii u dhexaysay 1998 ilaa sanadkan 2019 ayaa hadda ka mid ah siddeeda xubnood ee baadhitaanka ku wada qaladaadka ay Man City gashay.

Sida uu wargayska Telegraph sheegay markii  Rick Parry wax laga waydiiyay haddii danaha kooxdiisii Liverpool iyo shaqada uu ka hayo UEFA ay iska hor imanayaan ayuu iska diiday in uu ka faaloodo.

Guddida baadhitaanka UEFA ee kiiska Man City waxaa hogaaminaya Yves Leterme oo ah ra’isal wasaarihii hore ee dalka Belgium kaas oo noqon doona shaqsiga go’aanka kama danbaysta ah ka gaadhi doona haddii City laga ganaaxi doono Champions league.

Wararka ayaa sheegaya in la soo jeediyay in Man City muddo hal sanad ah laga ganaaxo kubbada cagta Yurub laakiin guddida baadhitanka UEFA ee uu hogaaminayo Yves Leterme ayaa diiday in ay wax faalo ah bixiyaan.

Wargayska Telegraph ayaa sheegay in ay suurtogal tahay in ganaaxa halka sano ah ee UEFA ka saari karto Man City uu noqon doono xili ciyaareedka 2020-21 balse ay hubaal tahay in ay City rafcaan go’aankan ka qaadan doonto.

Baadhitaanka Man City waxaa sabab u noqday Football Leaks oo bishii November 2018 kii soo bandhigay siro badan kaas oo lagu daabacay majalada dalka Jarmalka ka soo baxda ee Der Spiegel.

Maamulka Man City oo si adag u beeniyay xogta E-mail-ladooda laga jabsatay ayaa hadda sugaya waxa uu noqon doono go’aanka gudida baadhitaanka UEFA ee kiiskooda gacanta ku hayaa.