Walow Ay Riyadoodii Champions League Ee Xilli Ciyaareedkani Dhammaatay, Real Madrid Oo Haddana Si Dhaw U Daawanaysa Kulamada Siddeed Dhammaadka & Waxa Kasoo Galay.

Kooxda Real Madrid ayaa si dhaw ula socota kulamada Champions League ee xilli ciyaareedkan gaar ahaan wareega siddeed dhammaadka ee haatan socda walow ay rajadooda wareegii hore kusoo af-jartay kooxda Ajax.

Iyadoo ay kooxdu maanka ku hayso inay isa soo xoojiso suuqa xagaagan ayay sababta ugu weyn ee ay u daawanayso wareega siddeeda ee CL tahay fiirsashada ciyaartoy dhawr ah oo ay kooxdeeda ka rabto xagaagan.

Xiddigahaas ayaa kala ah afarta ciyaartoy ee Christian Eriksen oo Tottenham ka tirsan, Paul Pogba oo Man United ah, Sadio Mane oo Liverpool u dheela iyo daafaca Porto ee Eder Militao oo ay horeba ula saxeexatay balse wali aan usoo wareegin.

Aan ku horraynee Pogba ayaa lala xidhiidhinayaa Madrid isaga oo qudhiisu amaan hawada u mariyay balse rabitaanka ay kooxdaasi u muujinayso ayaa sii xooganaan doona haddii ay kooxdiisa Man United tartankan ka saarto kooxda ay Real xifaaltamaan ee Barcelona.

Dhinaca kale Eder Militao ayaa xalayba wajahay kooxda Liverpool balse daafacan iyo kooxdiisa ayaan helin wax natiijo ah oo wanaagsan waxaana ay ku fashilmeen 2-0 iyaga oo lugta dambe soo laabasho isku dayi doona.

Eriksen ayaa isku soo muujiyay kulankii ay xalay guusha muhiimka ah ka gaadheen Manchester City waxaana uu ahaa caawiyaha goolkii madiga ahaa ee ay ku guuleysatay Spurs ee uu dhaliyay Son Hueng Min.

Ugu dambayn, Mane ayaa kooxdiisa guul kala soo gaadhay Porto xalay walow uusan wax saamayn ah oo toos ah ku yeelan goolashii kooxdiisa haddana waxa uu si guud ahaaneed usoo muujiyay bandhig fiican.