Walow Ay Guul La’aan Kala Soo Laabteen Dalka France Kulankii Lyon, Barcelona Oo Dhinac Kale Faa’ido Ka Samaysay & LABA Xiddig Oo Wacdarro Dhigaya Oo Ay Soo Qiimeeyeen.

Bar-bardhacii goolal la’aanta ahaa ee ay Barcelona lasoo gashay kooxda Lyon ayaa ahaa mid qalbi jab kusoo riday, Weeraryahanka kooxda ee Luis Suarez ayaan markale si wanaagsan u ciyaarin isaga oo aan gool soo dhalin mudo dheer tartanka Champions League.

Kaddib bandhigaas gaabiska ah, Barcelona ayaa og in xiddiga ree Uruguay uu u baahan yahay in kooxda laga bedelo waxaana ay soo sameeyeen faa’ido ah inay soo daawadeen weeraryahanada kooxda Losc Lille ee Nicolas Pepe iyo Rafael Leao.

Wargeyska France Football oo ah midka xogtan soo tabiyay ayaa sheegaya in Barca ay ka faa’idaysatay aadisteeda dalka France isla markaana ay marka laga yimaado kulankooda soo daawadeen kulankii u dhaxeeyay Lille iyo Montpellier.

Pepe ayaa yimid Lille suuqii xagaaga ee 2017 isaga oo diiday inuu ku biiro kooxaha kala ah Schalke, Sevilla iyo Lyon isaga oo xilli ciyaareedkan horyaalka Ligue 1 ka leh 16 gool iyo siddeed caawimood waana xog cajiib ah oo ka dhigaysa mid ay Barcelona liiskeeda suuqa ku darsato.

Dhinaca kale, Barca ayaa sidoo kale isha ku haysay  Rafael Leao oo qudhiisu qaab ciyaareed wanaagsan ku jira isla markaana lix gool kusoo dhaliyay siddeed gool.

Barca ayaa faa’ido ku heli karta rabitaankooda labadan weeraryahan maadaama oo agaasimaha guud ee Lille ee Marc Ingla uu wakhti soo ahaa madaxweyne ku xigeenka Barca isla markaana uu wali xidhiidh la leeyahay shaqsiyaadka Camp Nou ku sugan.

Pepe oo ah midka ay Barca muhiimada koowaad siinayso ayay haatanba kooxda ree France kula soo heshiiyeen inay kusoo war-geliyaan haddiiba wax dhaq-dhaqaaq ahi ku yimaado mustaqbalkiisa xilli sidoo kale Bayern Munich ay dalab kasoo gudbisay isaga.