Waligaa Ma Sawiratay In Ciyaartoy Uu AFAR Ilaa SHAN Xilli Ciyaareed Oo Waayihiisa Ah Ku Seegayo Dhaawac? Xiddig Barcelona Ka Tirsan Ayay Ku Dhacday

In hal ciyaartoy wax ku dhaw shan xilli ciyaareed garoomada kaga maqnaado dhaawac ay xaqiiqdii fajac ku ah taageere kasta iyo shaqsi kasta oo wax ka yaqaana kubadda cagta balse waxa jira ciyaartoy musiibadani haysato.

Ciyaartoygaas ayaa ah Thomas Vermaelen kaas oo si caadi ah u ciyaaray kulankii xalay ee Barca qaabishay Real Valladolid balse Barca ayaa maanta shaacisay inuu dhaawac kubka ahi gaadhay oo uu seegi doono kulanka Lyon ee Champions League.

Vermaelen oo inta ugu badan seega kulamada kooxdiisa ayaa dhawaanahan bilaabay inuu shaxda kasoo muuqdo kaddib markii uu kusoo bilawday kulamadii Leganes, Valencia iyo Valladolid.

Guud ahaan waayaha ciyaareed ee Vermaelen ayaa ahaa kuwo uu ku calaamadsan dhaawacyo isaga oo mudooyinkaas kasoo kala tirsanaa kooxaha Ajax, Arsenal, Barca iyo Roma.

Daafaca ree Belgium ayuu wargeyska Sport sheegayaa inuu 27 dhaawac la kulmay laga soo bilaabo ilaa 20 jirkiisii kaas oo la micno ah inuu ugu yaraan hal kulan soo seegayay inta xilli ciyaareed ee uu ulaa da’daas soo ciyaaray.

Dhaawacii ugu horreeyay ee loo diiwaan galiyay ayaa ahaa Febraury 2007 kaas oo u diiday inuu garoomada galo mudo 10 kulan ah, Guud ahaan isku darka kulamada uu dhaawaca ku seegay xirfadiisa ciyaareed ayaa ah 240 kulan waana ku dhawaad afar ilaa shan xilli ciyaareed.

240-kaas kulan ayuu 104 kulan oo kamid ah ka maqnaa Barcelona, 88 ayuu ka maqnaa Arsenal, 17 ayuu seegay kulamada Roma halka uu Ajax 31 kulan ku seegay.