Wali Ma Is Weydiisay Hal Xirfad Oo Lagaga Wanaagsan Yahay Lionel Messi? Halyeey Cafu Ayaa Tilmaamay Meel Uu Neymar Kaga Horreeyo Kabtanka Barcelona.

Halyeeyga kubadda cagta Brazil ahna daafacii hore ee AC Milan ee Cafu ayaa sheegay xirfad uu xiddiga dalkiisa ee Neymar JR kaga wanaagsan yahay hoggaamiyaha Barcelona ee Lionel Messi

Neymar iyo Messi ayaa afar sano kusoo wada qaatay Barcelona iyagoo soo muujiyay is-faham weyn isla markaana koobab door ah kusoo wada guuleystay kahor intii uusan Neymar u wareegin Paris Saint-Germain sanadkii 2017.

Si kastaba, Cafu oo waraysi barta Skype ku siinayay FoxSports ayaa sheegay in Neymar uu Messi kaga wanaagsan yahay dhinaca xirfada iyo farsamada lagu jabiyo daafacyada marka kubadda la haysto.

“Maanta, Si kasta oo ay u qoto dheertahay xirfada farsamadu, Ma jiro ciyaartoy kaga sarreeya Neymar, Xataa Messi oo aan taageere weyn u ahay kagama sarreeyo”.

“Waxa ay dunidu doonaysaa waa inay aragto Neymar oo kubadda cagta ciyaaraya, Isaga ahaan inuu naftiisa u huro kubadda cagta”

Dhinaca kale Cafu oo ka hadlaya saamaynta uu Neymar ku leeyahay xulka Brazil ayaa yidhi “Marka uu isagu si wanaagsan samaynayo, Xulka qaranka Brazil waxa uu sameeyaa si wanaagsan, Isagu waa ciyaartoy loogu talo-galay inuu kala duwanaanshu ku sameeyo kubadda cagta Brazil”.

“Wakhtigii qaan-gaadhnimadu wuu dhaafay, Isagu haatan waxa uu hoggaamiye ka yahay Paris Saint-Germain waana ciyaartoyga ugu qaalisan dunida”.