Wali Kamay Quusan!! – PSG Oo Suuqa January Markale Real Madrid Kasoo Dalban Doonta Saxeexa Xiddig Ay Xagaagii Dhawaa Uga Dhaarteen.

Advertisements

Kooxda caasimada France ee Paris Saint-Germain ayaa lagu soo warramayaa inay suuqa qaboobaha markale isku dayi doonto inay da’yarka Real Madrid ee Vinicius JR ay ku qanciso inuu kooxdeeda kula soo biiro.

Paris ayaa xagaagii dhawaa Madrid kasoo dalbatay saxeexisa Vinicius balse kooxda ree Spain ayaa xiddigeeda ku qeexday mid aan lala wareegi karin walow ay hadda sheekadaasi u muuqato mid isbedeli karta.

Advertisements

Vinicius once again enters PSG's plans. EFE/Rodrigo Jiminez

Go’aankii Real ee wakhtigaas ayaa isbedel ku iman karaa sababtoo ah inuu da’yarkan ree Brazil fursadiisii shaxda tababare Zinadine Zidane u waayay Rodrygo Goes oo ay Brazil kasoo wada jeedaan.

Agaasimaha ciyaaraha PSG ee Leonardo ayaa la sheegayaa inuu doonayo inuu ugu horreynba qanciyo Vinicius intaas kaddibna uu isagu ka caawin doono inay heshiis buuxa la gaadhaan Real.

Advertisements

Sababta ay u doonayo Paris saxeexa Vinicius ayaa ah in ay u aragto mid ay weerarka kula lamaanaysiin karto Kylian Mbappe mustaqbalka dhaw haddiiba ay fasaxaan Neymar JR.

Zidane ayaa Vinicius weydiiystay wakhti uu marka hore kooxda kula qabsado walow uu xilli ciyaareedkii hore kamid ahaa hoggaamiyayasha kooxda ee aan kalsoonida badan qabin kahor dhaawacii dib u dhaca ahaa ee gaadhay.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxda sarre ee Real Madrid ayaan wali garanayn waxa ay ka yeeli doonaan arrinta Vinicius kaas oo ay ku fikirayaan inay wakhti siiyaan maadaama oo uu mustaqbalka xiddig weyn noqon karo sidaas si lamid ahna aysan diidi karin dalab weyn oo uga yimaada PSG.

Advertisements