Walaalka Paul Pogba Ee Mathias Oo Sheegay SADDEX Ciyaartoy Oo Uu Walaalkii Xidhiidh La Leeyahay & Lionel Messi Oo Hoggaaminaya

Walaalka la dhashay khadka dhexe ee Man United ee Paul Pogba oo lagu magacaabo Mathias Pogba ayaa banaanka keenay liiska saddex ciyaartoy oo waaweyn oo uu si joogto ah ula hadlo walaalkii.

Mustaqbalka Pogba ayaa ahaa mid uu shaki ku jiray suuqii xagaaga oo dhan waxaana markasta kuwo arrimaha walaalkood laga waraysto ah labada wiil ee kale ee dhalasho ahaan ka weyn Pogba kuwaas oo marar badan xogo sir ah banaanka keena.

Haatan, Mathias ayaa dabka kusii shiday wararkii Pogba mudo kahor la xidhiidhinayay Barcelona kaddib markii uu xusay in walaalkii uu la hadlo Lionel Messi si lamid ah Zlatan Ibrahimovic oo ay asxaab dhaw yihiin iyo Antoine Greizmann oo ay xulka France kuwada jiraan.

Dhinaca kale walaalka Pogba ayaa sheegay in walaalkii uusan ku ogayn la hadalka kabtanka kooxda aadka loo filayay inuu u wareegi doono ee Real Madrid Sergio Ramos.

Mathias ayaa yidhi isaga oo El Chiringuito u warramaya “Waan, Ogahay, Waxa uu la hadlay ciyaartoy dhawr ah laakiin maya Ramos”.

“Waa kuwama ciyaartoydu? Messi wakhtiyada qaar laakiin maaha inta badan, Zlatan (Ibrahimovic), Greizmann sababtoo ah xulka qaranka”.

Dabcan wax layaab leh maaha in Pogba uu la hadlo Greizmann iyo Ibra balse sheekada muranka abuuraysa ayaa ah waxa dhex mari kara isaga iyo Messi oo mar la sheegayay inay Barcelona ku midoobi karaan.