Wakiilka Tababare Antonio Conte Oo War Kasoo Saaray Wararka Tababaraha Ree Talyaani La Xidhiidhinaya Kooxda Dhibaataysan Ee Real Madrid.

Wakiil Federico Pastorello oo ah wakiilka tababarihii hore ee kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa markii ugu horreysay ka warramay wax ku saabsan wararka dhawaanahan soo xoogeystay ee tababaraha uu wakiilka ka yahay la xidhiidhinaya dhinaca Real Madrid.

Xaalada kakan ee Real ay dhex dabaalanayso haatan ayaa keentay in durtaba lala xidhiidhiyo tababarayaal badan waxaana liiska macalimiinta jagadaas lagu riixayo kamid ah Antonio Conte oo dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore laga caydhiiyay Chelsea.

Haddaba, Wakiil Federico Pastorello ayaa ku daabacay wargeyska El Partidazo de COPE in Conte uusan doonayn ka hadalka arrintan waxaana uu yidhi “Waan ka xumahay, Isagu ma doonayo inuu ka hadlo xaalada noocan ah ilaa wakhtiga xiga”

Hadalka wakiilkan ayaa laga dhex akhrisan karaa in tababare Conti uusan ku deg degi doonin kusoo laabashada jagada tababarenimo waana war u fiican Lopetegui oo booskiisa u baqaya.

Dhinaca kale in badan oo kamid ah saxaafada ugu waaweyn dalka Spain ayaa aaminsan in maamulka sarre ee Los Blancos ay codka kalsoonida siin doonaan tababare Julen Lopetegui isla markaana ay ku garab istagi doonaan xaalada kooxda.