Wakiilka Philippe Coutinho Oo Ka Hadlay Wararkii Sheegayay In Uu Paris U Joogo Sidii Uu Coutinho Qayb Uga Noqon Lahaa Heshiiska Neymar.

Warbaahinta dalka Brazil ee Esporte Interativo ayaa lagu shaaciyay in wakiilka Philippe Coutinho ee Kia Joorabichan uu ku sugan yahay magaalada caasimada Paris ee dalka France si uu wada xaajood ula yeesho kooxda PSG.

Wararka ayaa sheegayay in wada hadalkii maanta dhex maray maamulada kooxaha Barcelona iyo PSG in uu Coutinho miiska saarnaa si uu qayb uga noqdo heshiiska ay Barca ku doonayso saxiixa Neymar Jr.

Laakiin wakiilka Coutinho ee Kia Joorabichan ayaa beeniyay in uu warkan jiray isaga oo meesha ka saaray in uu maamulka kooxda PSG wax wada xaajood ah kula yeeshay Paris.

Wakiilka Coutinho ee Kia Joorabichan oo la hadlay wargayska Mundo Deportivo ayaa yidhi: “Anigu ma joogo Paris, waxaan joogaa London”.

Laakiin Giuliano Bertolucci oo ka mid ah wakiilada Coutinho ayaa la xaqiijiyay in uu xili hore oo maanta ah joogay magaalada Paris inkasta oo aan la xaqiijin in uu wada xaajood la yeeshay maamulka PSG.

Masuuliyiinta kooxda Barcelona ee Javier Bordás, Andre Cury iyo Éric Abidal ayaa maanta magaalada Paris kulan kula yeeshay maamulka kooxda PSG si ay dalab lacag iyo Coutinho ka kooban ugu qanciyaan taas oo ay badalkeeda doonayeen Neymar Jr.

Inkasta oo uu wali Coutinho ka mid yahay ciyaartoyda ay Barcelona doonayso in ay dalabkeeda Neymar ku cuslayso, haddana mid ka mid ah wakiilada Coutinho ayaa beeniyay in uu hawshan ku jiro.

Kooxda Bayern Munich ayaa dhinaceeda ka wada dadaal ah ku doonayso in ay Coutinho kula soo wareegto iyada oo ay suurtogal tahay in ay marka hore amaah ku qaadan karto.

Si kastaba ha ahaatee, haddii ay PSG aqbasho in ay Barcelona ka iibiso Neymar Jr, waxaa loo badanayaa in Coutinho uu noqon karo xidiga ugu horeeya ee qayb ka noqon kara heshiiskan.