Wakiilka Neymar JR Oo Si Cadaan Ah U Sheegay Kooxda Uu Xiddigiisu Ka Ciyaari Karo Xilli Ciyaareedka Dambe – Real, Barcelona Mise PSG?

Wakiilka garabka kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar JR oo lagu magacaabo Wagner Ribeiro ayaa ka hadlay markale mustaqbalka xiddigan uu masuulka ka yahay iyo halka ay u badan tahay inuu ka ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe ee 2020-21.

Neymar ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay xiiso badan ka helaya kooxdiisii hore ee Barcelona balse waxaan sidoo kale meesha ka maqnayn Real Madrid oo qudheedu tartanka ka qayb qaadan karta marka ay fursadu timaado.

Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaan marnaba wax qarsoodi ah ka dhigin sida uu u doonayo inuu ciyaartoy u weyn sida Neymar oo kale keensado Santiago Bernabeu.

Haddaba, wakiil Wagner Ribeiro oo haatan waraysi siiyay Fox Sports ayuu kasoo yeedhay war naxdin ku ah kooxahaas oo ay waliba ugu horreyso Barca oo iyadu si gaar ah u doonaysay inay soo ceshato 28 sano jirkan ree Brazil.

Wakiilka ayaa sheegay in ay u badan tahay inuu Neymar sii joogi doono Paris Saint-Germain maadaama oo suuqii kala iibsiga ay xaaladiisu xumaatay oo uu dhaqaale bur-bur keenay caabuqa Korona isla markaana aan lacag badan xiddig laga bixin karin.

Wagner Ribeiro ayaa yidhi “Waxaan filayaa inuu Neymar sii joogi doono PSG sababtoo ah suuqu waa mid sidii hore ka duwan, dunida dhaqaalaha ee kubadda cagtu way isbedeli doontaa”

Dhinaca kale wakiil Ribeiro ayaa sheegay inuu sanadkii hore la kulmay madaxweynaha Real ee Perez isla markaana uu si cadaan ah ugu sheegay inuu ku riyoonayo saxeexa Neymar.

“Sanadkii hore, bishii May, isaga (Perez) ayaan la joogay xafiiskiisa, waxa uu ii sheegay inuu qabay riyadiisa ah la saxeexashada Neymar”

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook