Wakiilka Matthijs De Ligt Ee Mino Raiola Oo Waji Gabax Ku Riday Warbaahintii France Ee Xariifinta Iskaga Dhigayay!

Warbaahinta dalka France ayaa tan iyo shalay isla dhex marayay in wakiilka Matthijs De Ligt ee Mino Raiola uu soo gaadhay magaalada Paris si uu u dhamaystiro heshiiska uu De Ligt ugu biirayo kooxda PSG.

Laakiin wakiilka Mino Raiola ayaa “Fake News” ama war been ah ku tilmaamay wararkii ay saxaafada France ku sheegeen in Mino Raiola uu PSG kula jiro wada xaajood lagu dhamaystirayo heshiiska kabtanka Ajax ee De Ligt.

Inkasta oo aanu gabi ahaanba beenin in ay wada hadal la galeen kooxda PSG, haddana waxa uu Mino Raiola si gaar ah u beeniyay wararka sheegayay in uu Paris u joogo dhamaystirka heshiiska De Ligt ee PSG.

Hadalka wakiilka Mino Raiola ayaa waji gabax ku ah wargaysyo caan ah oo shalay ilaa xalay dadka la wadaagayay warbixino ay ku sheegeen in Mino Raiola uu hadda Paris u joogo soo gaba gabaynta heshiis dhex maray PSG iyo De Ligt.

Wakiilka De Ligt ee Mino Raiola oo la hadlayay ANSA ayaa wararka France ee sheegayay in uu dhamaystirayo heshiiska PSG iyo De Ligt waxa uu ku tilmaamay: “Kani waa tusaalaha warka beenta ah. “Fake News””

Waxa kale oo uu Mino Raiola ka hadlay wariye ay sawir wada galeen oo la filayo in uu yahay kan sababta u ahaa in uu baahiyay warkan wuxuuna yidhi: “Isagu waxa uu iga dalbaday sawir, laakiin anigu maan garanayn cida uu ahaa”.

Hadalkan uu Mino Raiola ku beeniyay in ay Paris u joogaan dhamaystirka heshiiska PSG iyo De Ligt waxa uu farxad galinayaa kooxihii kale ee xiisaynayay saxiixa De Ligt ee markii hore loo sheegayay in ay PSG heshiiskan dhaamystirayso.

Si kastaba ha ahaatee, Mino Raiola ayaa hadalkiisa laga fahmi karaa in aanu wali doonayn in hal koox si khaas ah loogu tiriyo in ay heshiiska De Ligt ku guulaysatay maadaama oo uu gor gortan adag kula jiro dhamaan kooxaha si ay doorashooyin badan u haystaan.