Wakiilka Daafaca Sevilla Ee Clement Lenglet Oo Shaaca Ka Qaaday Hal Sabab Oo Xiddiga Uu Wakiilka Ka Yahay Uu Ugu Biiri Karo Kooxda Barcelona Oo Si Weyn U Xiisaynaysa Adeegiisa.

Daafaca ree France ee Clement Lenglet isla markaana u dheela kooxda ree Spain ee Sevilla ayaa xili ciyaareedkii tagay soo bandhigay qaab ciyaareed indho qabatin leh, Lenglet ayaa bandhigyadiisaas ku kasbaday inuu xiiso ka helo qaar kamid ah kooxaha ugu tunka weyn ee qaarada Yurub oo ay hor kacayso kooxda ree Catalonia ee Barcelona.

Lenglet oo aan qayb ka ahayn xulka France ee haatan ku sugan Ruushka isla markaana isku diyaarinaya tartanka Koobka Aduunka ee maalinimada khamiista ah furmi doona ayaa heysta fursad fiican oo uu go’aan kaga gaadho mustaqbalkiisa isla markaana soo doorto kooxda ku haboon ee uu ku biiri doono haddiiba uu ka hayaamayo kooxdiisa haatan ee Sevilla.

Haddaba wakiilka daafacan oo lagu magacaabo Gregory Dakad ayaa soo dhex galay wararka daafaciisa la xidhiidhinaya kooxda Barcelona isaga oo sheegay in uu kaliya ku biiri doono kooxda uu u arko inay hayso mashruuc ku haboon isla markaana ay wakhti yar u baahan doonaan si ay u go’aamiyaan mustaqbalka xiddiga uu wakiilka ka yahay.

Wakiil Dakad ayaana hadalkiisa ku bilaabay “Lenget waxa uu kaliya ka tagi doona Sevilla kaliya haddii uu arki mashruuc fiican oo uu heli karo, Mustaqbalkiisa iyo sababtaas oo uu ku heli karo dookhaas waxaan u baahan doonaa wakhti yar, Waa wax iska caadi ah, Ma jiro wax heshiis ah oo aan cid la gaadhnay”

Lenglet oo 22 sano jir ah ayaa heshiiskiisa haatan ee kooxda Sevilla uu kula jiro uu ku egyahay ilaa sanadka 2021 isaga oo heshiiskaas lagu bur burin karo lacag dhan 35 milyan, Manchester United iyo tababaraheeda Jose Mourinho ayaa iyaga laftoodu dhinac ka qorshaynaya inay Blaugrana ka afduubtaan xiddigan.

Sevilla ayaa dhinaceeda isku diyaarin doonta inay daafaceeda ku qanciso inuu kasii qayb ahaado kooxda isla markaana uu qayb muhiim ah ka qaadan doono mashruuca tababaraha cusub ee kooxdaas ee Pablo Machin uu ka yagleeli doono kooxda xili ciyaareedka dambe.