Wakiil Mino Raiola Oo Maanta Isaga Oo Wada Hawshii De Ligt Ee Juventus Wax Laga Weydiiyay Heshiiska Pogba Ee Real Madrid – Muxuu Ku Jawaab Celiyay?

Wakiil Mino Raiola ayay maanta u ahayd maalin mashquul badan maadaama xiddiga uu wakiilka ka yahay ee Matthijs De Ligt uu dhammaystirayay heshiis uu ugu wareegayay Juventus kaddib mudo dheer oo uu mustaqbalkiisa cirka ku jiray.

De Ligt ayaa Juve ugu wareegaya lacag dhan 70 Milyan oo euro waxaana uu kamid noqon doonaa daafacyada ugu qaalisan taariikhda isagoo sidoo kale 14 Milyan sanadkii mushahar ahaan uga qaadan doono kooxdaas.

Wakiil Raiola oo aad moodo inuu xagaagan dhexda kaga jiro heshiisyada ugu waaweyn ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay arrimaha xiddigiisa kale ee Paul Pogba kaas oo lala xidhiidhinayo Real Madrid.

SIDOO KALE AKHRISO:  Messi La'aan Barcelona Waa Xaflad La'aan, Isbedelkii Valverde Laga Doonayay Oo Musiibo Noqday & AFAR Qoddob Oo Laga Bartay Guuldarradii Barcelona Ee Xalay.

Raiola ayaa sheegay in aysan jirin cid isaga wax farriin ah usoo dirtay isla markaana uu haatan yahay xiddig Man United ah balse aysan jirin cid og waxa mustaqbalka dhici kara.

Wakiilka oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi “Ma jiro wax laga yidhaahdaa, Aniga cidina farriin iimay soo dirin, Miyuu isagu sii joogi doonaa Manchester? Waynu eegi doonaa”

“Anigu noloshayda ayaan maalin ka maalin u noolahay, Haatan waxa uu la joogaa Manchester United laakiin yaa og waxa dhici kara mustaqbalka”

Hadalkan kasoo yeedhay wakiil Raiola ayaa ah mid shaki galinaya mustaqbalka 26 jirkan ee Old Trafford maadaama oo uu diiday inuu meesha ka saaro wax isbedel ah oo mustaqbalka dhaw qabsooma.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Arsenal Oo War Rasmi Ah Kasoo Saartay Xaalada Daafaca Ay Dhaawaca Kusoo Iibsatay Ee Keiran Teirney - Goorma Ayuu Garoomada Kusoo Laaban Doonaa?

Si kastaba ha ahaatee, Hore ayuu Mino Raiola u sheegay in cidkasta oo ka hawl gasha Manchester ay ogsoon tahay rabitaanka Pogba ee ah inuu kooxda ka tago xagaagan.