Wakiil Mino Raiola Oo Fal Afduub Kula Kacaya Mid Kamid Ah Xiddigaha Ay Barcelona Sida Xoogan U Doonayso & Kooxda Uu Ku Riixayo Oo La Ogaaday.

Wakiilka ree Talyaani ee Mino Raiola ayaa u muuqda mid halis gelinaya qorshayasha suuqa kala iibsiga ee kooxda Barcelona waxaana uu u muuqdaa mid laf dhuun gashay ku noqonaya mid kamid ah xiddigaha ugu waaweyn ee ay Barca bar-tilmaameedka ka dhiganayso.

Da’yarka daafaca dhexe uga dheela kooxda Ajax ee Matthijs De Ligt oo kamid ah xiddigaha ay Barca sida aadka ah maanka ugu hayso oo uu wakiil u yahay Raiola ayaa u muuqda mid haatan raaci doona dookha wakiilkiisa.

De Ligt ayaa kamid ah hantida Ajax kuwooda ugu muhiimsan waxaana xiisaynayay kooxo badan oo ay Blaugrana hoggaaminayso walow ay kooxdiisu markasta ku celceliso inaysan iibinayn badhtamaha xilli ciyaareedka iyo suuqa January.

Raiola ayaa qorshaynaya inuu da’yarkan xagaaga dambe geeyo kooxda horyaalka Talyaaniga ee Juventus oo la fahamsan yahay inuu haatanba la qaatay wadahadalo ku saabsan xiddigan.

Saxaafada dalka Talyaaniga ayaa ku warramaysa in wakiilkan caanka ka ah kubadda cagtu uu wadahalo la yeeshay Fabio Paratici oo ah agaasimaha ciyaaraha ee Bianconeri.

Juve ayaan daafac ahaan kaliya u doonayn De Ligt balse waxa sidoo kale qorshahooda ku jira daafaca Sampdoria ee Anderson iyo midka Atletico Madrid ee Savic.

Sidoo kale waxa jira warar badan oo sheegaya in De Ligt uu xagaagii hore ku sugnaa magaalada Turin isla wakhtigaasna uu casuumad ku saabsan indho indhayn ka helay madaxda Juve oo ku marti qaaday inuu ugu yaraan goobaha kooxdooda soo daawado.