“Wakhtiyada Qaar Waxaynu Jeclaanaa Waxyaabo Aynaan Heli Karin” Thomas Tuchel Oo U Jawaabay Zidane Oo PSG Ka Caashaqasan Kylian Mbappe.

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Thomas Tuchel ayaa u jawaabay dhigiisa Real Madrid ee Zinadine Zidane oo xiiso u muujiyay toosna saxaafada erayo ugu mariyay da’yarka kooxdiisa ee Kylian Mbappe.

Zidane ayaa dhawr jeer shirarkiisa jaraa’id ee ka horreeya kulamada kooxdiisa markasta oo wax laga weydiiyo Mbappe si cad u sheegayay inuu xiisaynayo taas oo horeba aad uga cadhaysiisay madaxda sarre ee Paris sida uu sheegay agaasimaha ciyaaraha kooxdaas ee Leonardo

Waxa wax cad ah in Real Madrid ay qorshaynayso sidii ay suuqyada soo socda kula soo wareegi lahayd 20 sano jirka ree France balse kooxdiisa ayaan la filayn inay marnaba si sahlan ku fasaxaan iyagoo u difaacan kara qaabkii ay horeba Neymar u difaacdeen.

Haatan Tuchel oo u jawaabaya Zizou ayaa sheegay in wakhtiyada qaar la jeclaado waxyaabo iyo dadyaw aynaan heli karin balse waxa ugu muhiimsani uu yahay in Mbappe uu xiddigooda yahay iyaguna sidoo kale ay jecel yihiin.

Advertisements

Tababaraha ree Germany ayaa yidhi “Anigu ma garanayo intee in le’eg ayuu Zidane jecel yahay ciyaartoygayaga laakiin waxaan sheegi karaa in aanu anaguna sidoo kale jecel nahay, Waxa ugu muhiimsani waa inuu ciyaartoygayaga yahay”.

“Waanu ku faraxsanahay inuu anaga nala joogo, Wakhtiyada qaar marka aad doonayso waxyaabo ama dad aan la heli karin oo aanad haysan karin in badan ayaad jeclaanaysaa, Waxaynu jeclaanaa waxaynaan heli karin, Nasiib daro (Ayaan u dareemayaa) Zidane, Isagu waa ciyaartoygayaga”.

Advertisements