Wakhtiga Uu Qabsoomayo Heshiiska Bruno Fernandes, Aubameyang Oo Heshiis Uu Barca Ugu Biiro Lacag Ku Waayaya & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Advertisements

Asslamu Callaykum Waraxmatullahi Wabarakatu, Dhammaan akhristayaasha sharafta leh ee shabakaga Gool24 kusoo dhawaada xubinteenii wararka suuqa kala iibsiga iyo xogihii ugu dambeeyay ee ay saxaafada kala duwani ka qortay.

Advertisements

Waxaanu halkan hoose idiinku soo koobnay wararka suuqa ee qaarada Yurub kuwoodii ugu muhiimsanaa ee ay warbaahinta kala duwani maanta oo Arbaca ah ay ka qoreen kubadda cagta.

Fiiro Gaar Ah: Shabakada Gool24 kama masuul aha xaqiiqonimada wararka halkan ku xusan maadaama oo ay kaliya xigasho naga tahay isla markaana uu warkasta xuquuqdiisa leeyahay il wareedka ku hor xusani.

WARARKA SUUQA KALA IIBSIGA

Kooxda halyeey David Beckham ee Inter Miami ayaa xihiidh la samaysay wakiilada weeraryahanka Manchester City ee Sergio Aguero iyo khadka dhexe ee kooxdaas ee David Silva oo isagu xagaaga ka dhaqaajinaya Etihad Stadium. (Sun)

Manchester United ayaa dhammaadka toddobaadkan 55 Milyan kula soo wareegi karta khadka dhexe ee Buno Fernandes kaddib horumar laga sameeyay wada xaajoodkii ay kula jireen Sporting Lisbon. (Mirror)

Fernandes ayaa xalay diiday jamaahiirta kooxdiisa Sproting isaga oo sidoo kale riixay kaamerad TV kaddib markii ay guuldarro kala kulmeen Braga. (Star)

Tottenham ayaa dalab 20 Milyan ah ka gudbisay khadka dhexe ee kooxda Lille ee Soumare iyaga oo tartankiisa kula soo biiray kooxaha Manchester United iyo Chelsea. (L’Equipe, via Sun)

Aston Villa khadkeeda dhexe ee Jack Gralish oo ay kooxo dhawr ahi doonayeen ayaa u sheegay kooxdiisa inuusan bishan January ka tagayn oo uu diirada saarayo sidii uu uga caawin lahaa inay kusii negaadaan Premier League. (Mirror)

Manchester United ayaa 30 Milyan u gudbisay kooxa Birminghah iyaga oo ka doonaya 16 sano jirka khadka dhexe ee Jude Bellingham. (Sun)

Tababaraha kooxda Barcelona ee Quique Setien ayaa si cad u sheegay in kooxdiisu ay doonayso weeraryahan ay ku bedesho xiddiga ka dhaawacan ee Luis Suarez. (Sport)

Barca ayaa weeraryahanka Valencia ee Rodrigo Moreno u aragta xiddig ay suurogal tahay inay bar-tilmaameedsadaan laakiin kooxdiisa ayaa doonaysa lacag 60 Milyan ah haddiiba ay fasaxayso. (Marca)

Weeraryahanka Leicester City ee Islam Slimani ayaan heshiiskiisa amaahda ah ee AS Monaco uusan ku jirin qoddob ogolaanaya in Foxes ay soo ceshan karaan bishan January taas oo adkaynaysa inuu u dhaqaaqo Tottenham oo doonaysay. (Leicester Mercury)

Real Madrid daafaceeda midig ee Alvaro Odriozola ayaagaadhay dalka Germany si uu u dhammaystiro heshiiska uu inta xilli ciyaareedka ka hadhay qaabka amaahda ah ugula joogayo Bayern Munich. (AS – in Spanish)

Weeraryahanka Barcelona lala xidhiidhinayay ee Aubameyang ayaa haddiiba uu ka tago Arsenal kahor dhammaadka heshiiskiisa ee 2021 waayi doona lacag 15.5 Milyan ah oo daacadnimo ahaan loogu abaalmarin lahaa. (Star)

Manchester United da’yarkeeda Tahith Chong ayaa wada xaajood la yeeshay kooxda Inter Milan xilli ay sidoo kale xiiso u muujinayaan kooxaha Barcelona iyo Juventus. (Mail)

 

Advertisements