Waatan Shaxda Ay Frank Lampard & Chelsea Doonayaan Inay Kaga Yaabsadaan Kooxaha Premier League Haddii Ganaaxa Suuqa Laga Qaado Bisha January.

Kooxda Chelsea iyo tababaraheeda Frank Lampard ayaa haatanba ka fikiraya shaxdii ay ku ciyaari lahaayeen qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan haddiiba laga qaado ganaaxa ay xilli suuqii xagaagan kusoo seegeen saxeexyo ay samayn lahaayeen.

Sida la sheegayo madaxda kooxda ree London waxay haatanba xidhiidho la samaynayaan wakiilada ciyaartoyda maadaama oo ay rajaynayaan in ganaaxa suuqa ay maxkamada racfaanku kasoo gaabin doonto suuqa soo socda ee January.

Hay’ada ugu sarreysa kubadda cagta caalamka ee FIFA ayaa Blues suuqa ka ganaaxday laba suuq kaddib jabin xeerka saxeexyada da’yarta ah oo ay samaysay balse haatan CAS ayaa samayn doonta kulan deg deg ah oo arrimaha Chelsea lagaga hadlayo.

Haddaba, Waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa shaxda u Lampard rajaynayo inuu kooxdiisa ku ciyaarsiiyo kaddib suuqa January haddii uu helo saddexda bar-tilmaameed ee kala ah Milan Skrinar, Ryan Fraser iyo Thomas Meunier.

Milan Skriniar ayaa sidoo kale xiiso ka helaya Man City balse Chelsea ayay waajib ku ahaan doontaa inay isku daydo sidii ay London ugu soo leexin lahayd.

Skrinar ayaa kamid ahaa xiddigaha Inter Milan ugu wanaagsan sanadihii ugu dambeeyay, Walow Lampard uu jecel yahay fursad siinta da’yarta haddana waxa uu u baahan yahay saxeexa daafac dhexe oo ay haatan ka dhibtoonayaan.

Dhinaca kale kaddib ciyaar xumada Azpilicute soo wajahday, Lampard ayaa doonaya inuu fursad siiyo da’yarka Reece James balse Meunier oo ku jira sanadkiisii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa PSG ayay lacag jaban ku heli karaan January.

Lampard ayaa sidoo kale eegi kara dhinaca Ryan Fraser oo ay Arsenal isku day day saxeexiisa suuqii xagaagan, Garabkan ayaa kooxdiisa Bournemouth hakad ka geliyay heshiiskii cusbaa ee ay ka doonaysay si uu mustaqbalkiisa u go’aamiyo.

Halkan Kaga Boggo Shaxda Uu Qorsheynayo Lampard January Kaddib Oo Sawir Ah

How Chelsea could line up after January transfer window: