“Waanu Ku Niyad Jabinay Boss” – Xiddig Arsenal Ah Oo Farriin Qiiro Leh Ku Macasalaameeyay Tababarihii La Caydhiyay Ee Unai Emery.

Advertisements

Daafaca dhexe ee kooxda Arsenal ee David Luiz ayaa farriin macasalaamayn iyo raali-gelin qalbiga taabanaysa iskugu jirta hawada u mariyay tababarihii shalay laga caydhiyay kooxdaas ee Unai Emery.

Emery ayaa wakhti adag kusoo qaatay Emirates Stadium gaar ahaan bilooyinkii ugu dambeeyay balse xumaato kasta oo uu kooxda lasoo maray ayaan Luiz ka celinin inuu macasalaameeyo macalinkii kula soo saxeexday kooxda.

Natiijada sawirka Luiz and emery

Luiz ayaa horeba wakhti kooban ugula soo shaqeeyay Emery kooxda Paris Saint-Germain waxaana uu markale kusoo darsaday safkiisa daafac ee Gunners si uu khibrad ugu soo kordhiyo.

Si kastaba, Daafaca ree Brazil oo ahaa saxeexii ugu dambeeyay ee Emery wakhtigiisa Arsenal ayaa barta Twitter-ka kaga hadlay caydhinta Emery isaga oo dhabarka saartay qayb kamida eeda sheegayna inay iyagu niyad jabiyeen.

Advertisements

Luiz ayaa qoraal ku yidhi “Waa maalin murug u ah qofkasta gaar ahaan sababtoo ah waanu ku niyad jabinay mudane, Waan ka xumahay, Waad mahadsan tahay adiga iyo shaqaalaha cajiibka ahiba, Waxaad tahay mid si adag u shaqeeya, Xamaasad u qaba kubadda cagta iyo tusaale weyn markasta, Dhib malahan natiijooyinka, Nasiib wacan mustaqbalka @UnaiEmery”.

Arsenal ayaa berrito ciyaari doonta kulankeeda ugu horreeyay kaddib bixitaanka Unai iyaga oo booqanaya kooxda Norwich City, Kulankaas ayuu Gunners leylin doonaa macalinka kumeel gaadhka ah ee Ljunberg.

Advertisements