“Waanu Ku Guuleysan Karnaa Dhammaan Koobabka Suurogalka Ah” – Xiddig Barcelona Ah Oo Farriin U Diray Kooxaha Waaweyn Ee Yurub Kaddib Guushoodii Xalay.

Advertisements

Khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Sergio Busquets ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay qaybaha xilli ciyaareedkan 2019-20 uga hadhay kooxdiisa kaddib guushii adkayd ee ay xalay ka gaadheen kooxda Granada.

Barcelona ayaa guul kusoo dhawaysay tababaraha cusub ee kooxdeeda ee Quique Setien iyadoo Lionel Messi uu ahaa geesigooda kulankaas kaddib markii uu dhaliyay goolka madiga ah ee saddexda dhibcood u xaqiijiyay.

Image

Marka laga yimaado inaysan ku badinin goolal badan, Barcelona ayaa la arkayay inay dib u heshay qaar kamida calaamadaheedii wanaagsanaa ee ka maqnaa sanadihii ugu dambeeyay iyagoo in ka badan intii hore kulanka maamulayay.

Kulanka ugu horreeyay ee tababare Setien oo ah macalin falsafadiisu baas ku salaysan tahay ayaa noqday kulankii saddexaad ee ay Blaugrana ugu kubad haynta badnayd tan iyo bixitaankii Pep Guardiola.

Haddaba, Kulankaas kaddib ayuu Busquets oo u warramayay il wareedka Marca sheegay inay la jiraan tababaraha cusub ee Setien kooxdiisuna ay awoodo inay ku guuleysato dhammaan koobabka la heli karo.

“Waxaanu dareemaynaa wanaag dhammaadka kulanka, Waxaan filayaa guud ahaan inaanu u ciyaarnay si wanaagsan, Laakiin Granada ayaa naga dhigtay inaanu si adag ugu shaqayno guusha” Ayuu yidhi Sergio.

“Ma eegayno inaanu tababaraha cusub la bar-bardhigno tababarihii hore, Waxaanu (Imika) la jirnaa Setien, Waynu arki doonaa inaanu isku dayno samaynta waxa uu na weydiisto”.

“Dhaqaaqu waa mid xagayagaya jira waxaananu ku rajo weynahay inaanu socon karno oo aanu ku guuleysan karo dhammaan koobabka la heli karo”

Advertisements