“Waanu Cadhaysanahay Waxaanan Doonaynaa In Kulanka Haatanba La Bilaabo” Ivan Rakitic Oo Banaanka Soo Dhigay Dareenka Ciyaartoyda Barcelona Ay Qabaan Kahor Kulanka Tottenham.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic ayaa kahor kulanka ay caawa Wembley Stadium martida ugu noqon doonaan kooxda Tottenham waxa uu daaha ka qaaday dareenka ciyaartoyda Barcelona ee kahor kulankaas.

Barcelona ayaa si weyn usoo dhibtootay kulamadii ugu dambeeyay gaar ahaan kulamada horyaalka La Liga kaddib markii ay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ku fashilmeen inay wax guul ah ka gaadhaan kooxaha Girona, Leganes iyo Athletic Bilbao.

Rakitic ayaa sheegay inay xamaasad badan u qabaan ciyaarista kulan weyn iyo inay gaadhaan lix dhibcood isagoo dhinaca kale sheegay in natiijooyinkii xumaa ee dhawaan soo maray aysan bedeli karin kalsoonidooda isla markaana ay doonayaan in kulanka Spurs uu haatanba bilawdo.

Xiddiga ree Croatia ayaa yidhi “Waxaan xiiso badan u qabnaa inaan kulan weyn ciyaarno oo aan helno lix dhibcood, Dhammaanteen waan ognahay waxa ay la micno tahay in lagu ciyaaro Wembley, Natiijooyinkii xumaa ee dhawaa ma bedeli doonaan kalsoonideena, Waan cadhaysanahay waxaanan doonaynaa in kulanku xilli horeba bilawdo”

“Waxa wanaagsan ee ku saabsan kubadda cagta ayaa ah inaad afar maalmood oo kasta fursad cusub haysato, Sida iska cad natiijooyinku ma ahayn wixii aan rajaynaynay waanan inaan samaynaa wax ka fiican sidii hore”

Ugu dambayn, Xaalada kooxda Barcelona ayaa noqon doonta mid sii xumata haddii ay kooxdu markale ku fashilanto inay hesho saddexda dhibcood, Halis kulankan ku timaada Blaugrana ayaana khal-khal gelin karta shaqada tababare Ernesto Valverde.