“Waan Ogahay In Zidane Uu Paul Pogba Ka Doonayo Real Madrid Laakiin Isagu Wuxuu Jeclaan Lahaa Inuu Ku Laabto Juventus”.

Mohamed Sissoko oo hore ugu soo ciyaaray kooxaha Liverpool, Valencia iyo Juventus ayaa aragtidiisa ka dhiibtay mustaqbalka khadka dhexe ee Manchester United ee Paul Pogba iyo waliba kooxda uu doonayo inuu u wareego suuqa xagaaga.

Iyadoo haatan kubadda cagta inteeda badan mudo loo hakiyay sababta caabuqa Coronavirus, Waxa wali halkooda kasii socda wararka xanta ah ee xiddigo uu kamid yahay Paul Pogba la xidhiidhinaya kooxo kale.

Image result for Mohamed Sissoko interview

Dhaawacyo ayaa halakeeyay bandhigyadii uu xilli ciyaareedkan 2019-20 samayn lahaa Pogba isagoo inta ugu badan xilli ciyaareedkan ka maqnaa kooxdiisa sababo dhaawac dartood.

Si kastaba, Iyadoo lala xidhiidhinayo kooxdiisii hore ee Juventus iyo kooxda ree Spain ee Real Madrid ayuu Sissoko aaminsan yahay in 27 sano jirkani uu doonayo ku laabashada kooxdiisii hore.

Mohamed Sissoko ayaa isaga oo mustaqbalka Pogba ka hadlaya yidhi “Waan ogahay in Zidane uu isaga ka doonayo Real Madrid laakiin wuxuu jeclaan lahaa inuu ku laabto Juventus”.

“Laakiin xaaladahani kuma xidhna kaliya Pogba laakiin sidoo kale Manchester United, Kooxda ree England waxa uu kula jiraa qandaraas ilaa 2021 ah”.

“Aragtidayda Pogba waa inuu raadiyo koox isaga ka dhigta mid dareema muhiimad si uu dib ugu helo qaab ciyaareedkiisii wanaagsanaa”.