“Waan Ogahay Dadku Iguma Raaci Doonaan Laakiin Cristiano Ronaldo Ayaa U Qalma Ballon d’Or Sababtoo Ah ……” – CR7 Oo Ballon d’Or Lagu Taageeray.

Weeraryahanka kooxda Juventus iyo xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa markii lagu taageeray hanashada abaalmarinta xiddiga sanadka ee Ballon d’Or walow saadaasha inta ugu badani ay isaga markan kasoo horjeedo.

Xiddigii hore ee kooxda Everton ahna gool dhaliyaha ugu sarreeya taariikhda xulka Australia ee Tim Cahill ayaa qaba in Ronaldo oo xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay wacdarro kusoo dhigay Serie A uu u qalmo darajadan.

Xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ee Ronaldo uu ku qaatay Juventus ayaa ahaa mid guul ah walow ay dad badani shaki galinayeen awoodiisa ciyaareed markii uu kasoo wareegayay Real Madrid xagaagii hore.

Marka laga yimaado in Serie A uu yahay mid kamid ah horyaalada ugu adag Yurub, Ronaldo ayaa kasoo dhaliyay 21 gool isaga oo loo magacaabay shaqsiga ugu qiimaha badan ee horyaalka.

Goolasha uu soo dhaliyay xilli ciyaareedkan ayaa kooxdiisa kasoo caawiyay Super Coppa Italiana iyo horyaalka Serie A.

Si kastaba, Marka laga yimaado guulahaas, Ronaldo ayaan loo arag mid kamid ah shaqsiyaadka jiida hore u fadhiya ku guuleysiga Ballon d’Or taa bedelkeeda shaqsiga xilli horeba ugu cad cad ayaa ah Lionel Messi.

Messi ayaa xilli ciyaareedkan 50 gool kasoo dhaliyay tartamada oo dhan waxaana ay dad badani qabaan inuu mudan yahay Ballon d’Or marka laga yimaado in toddoba bilood kaddib la bixin doono abaalmarintan.

Haddaba, Cahill oo isagu ka aragti duwan dadkaas ayaa qaba in Ronaldo abaalmarintan ku mudan yahay waxa uu kasoo qabtay Juventus isaga oo u aanaynaya inuu ka tagay horyaal oo uu horyaal kale tagay iskuna muujiyay.

Tim Cahill ayaa yidhi “Sababta aan u leeyahay Ronaldo, Waan ogahay dadku iguma raaci doonaan waxa ay tahay sababtoo ah waxa uu kusoo qabtay Juventus”

“Waxa uu ka tagay Real Madrid, Halkaas ayuu tagay waxaana uu ku yeeshay saamayn sidaas u weyn horyaal kale, Waligay maan arag ciyaartoy kale oo sidaas ku sameeya Man United, Real Madrid ee sanado sidaa u badan”

“Waanan ogahay inuusan ku guuleysan Champions League laakiin waxa uu ku lahaa saamayn sidaas ah koox kasta, Haddii aad ciyaartoyda kaxayn karto oo aad meel gayn karto iyagoo da’diisa ah…..”

“Waan ogahay dadku iguma raaci doonaan, Waxaan kaliya la dhacsanahay xirfadle-nimadiisa”