“Waan Imid, Waan Arkay, Waana La Wareegay” Zlatan Ibrahimovic Oo Hadaladiisii Layaabka Lahaa Sii Wada Xilli Uu Ka Tagay LA Galaxy.

Advertisements

Zlatan Ibrahimovic ayaa go’aansaday inuu soo afjaro ku dhawaad laba sanadood uu ku sugnaa kooxda LA Galaxy kadib markii la xaqiijiyay in xiddigana uu ka bixi doono kooxda marka uu dhamaado qandaraaskiisa oo dhamaanaya 31-ka Diseembar.

Weeraryahankii hore qaranka Sweden ayaa ku biiray kooxda mareykanka dhisan bishii Maarso 2018, isagoo ka tagay Man United, tan iyo wakhtigaas wuxuu dhaliyay 53-gool kadib 58 ciyaarood uu kooxda u saftay, waxaana hadda soo baxaya inuu dib ugu soo laaban doono horyaalka talyaaniga.

Zlatan Ibrahimovic oo lagu yaqaano inuu mar walba soo qoro hadalo layaab leh, ayaa markaan twitter-kiisa kusoo qoray sheeko xiiso leh, isagoo muujinaya bixitaankiisa.

“Waan imid, waan arkay, waana xukumay” ayuu Zlatan Ibrahimovic kusoo qoray twitter-kiisa, isagoo kala jeeda inuu wax walba ku sameeyay kuna guuleystay wakhtigiisa horyaalka Major League Soccer (MLS).

Advertisements

“Waan idiin mahad celinayaa LA Galaxy maadaama aad ii suuragaliseen inaan mar kale nolol dareemo”

“Taageerayaasha LA Galaxy – waxaad dooneyseen Zlatan, waan idin keenay, waadna soo dhaweyseen”

“Sheekada wey socon doontaa…. Hadda waxaan dib ugu laabanayaa inaan daawado baseball” Waa ciyaaraha ay ku wanaagsan yahiin dadyowga mareykanka.

Advertisements