Waan Garanayaa Halka Aan Ka Ciyaari Doono Xili Ciyaareedka Soo Socda Iyo Todobada Sanadood Ee Ku Xiga- Griezmann Oo Afka Furtay.

Antoine Griezmann ayaa xaday dareenka jamaahiirta kubbada cagta aduunka aduunka kadib markii uu ku dhawaaay in uu garanayo halka uu ka ciyaari doono xili ciyaareedka socda iyo todobada sanadood ee ku xiga.

Antoine Griezmann ayaa hore ugu shaaciyay in uu xagaagan ka baxayo kooxdiisa Atletico Madrid waxaana si wayn loola xidhiidhinayay kooxaha Barcelona, Man United, PSG iyo Bayern Munich.

Laakiin iyada oo aan wali si rasmi ah loo ogayn kooxda uu Antoine Griezmann ku biiri doono waxa uu cadeeyay in isagu uu haddaba ogyahay kooxda uu xili ciyaareedka cusub ka soo muuqan doono.

Antoine Griezmann oo mustaqbalkiisa ka hadlaya ayaa yidhi: “Anigu waan ogahay halka aan ka ciyaari doono xili ciyaareedka soo socda”.

laakiin xidiga reer France ayaa hadalkiisa kadib kaftan raaciyay wuxuuna sheegay in meesha uu ka ciyaari doonaa ayna ahayn Miami wuxuuna yidhi: “Anigu ma sheegi karo in aan tagayo Mimai, laakiin anigu waxaan ogahay halka aan ka ciyaari doono todobada sanadood ee soo socda”.

Antoine Griezmann ayaa la filayaa in uu wali bilaa koox cusub sii ahaan doono ilaa inta laga soo gaadhayo July 1 markaas oo uu heshiiskiisa Atletico Madrid hoos uga soo dhici doono 200 milyan yuro oo lagu burburin karo wuxuuna noqon doonaa 120 milyan yuro.

Dalka uu Antoine Griezmann dhalasho ahaanta ka soo jeedo ee France waxaa laga aaminsan yahay in kooxda uu ku biirayaa ah noqon doonto Barcelona.

Waqtigan oo kale sanadkii hore Antoine Griezmann ayaa si lama filaan ah uga baxay heshiis uu Barcelona si buuxda ula sii gaadhay taas oo keentay in hadda ay ciyaartoy qolka labiska Barca ka tirsan ugu cadhoonayaan xidiga reer France.

Ciyaartoyda qolka labiska Barcelona ayaa Neymar Jr soo laabashadiisa ka door bidaya in Antoine Griezmann uu kooxda ku soo biiro laakiin haddii ay maamulka kooxdu kaga dhabeeyaan rajadooda ah in ay Griezmann kooxda keenaan waxaa la filayaa in uu markaas taageero heli doono.