WAALI: PSG Oo Dajisay Qorshihii Ay Real Madrid Ugaga Quus Goyn Lahayd Xiisahooda Kylian Mbappe.

Maamulka kooxda Real Madrid ayaa go’aanku gaadhay in ayna xagaagan u dhaqaaqin saxiixa Kylian Mbappe si ay xagaaga soo socda u sugaan in ay dalab rekoodh aduun ah ka gudbiyaan laakiin kooxda PSG ayaa haddaba qaadaysa talaabo ay go’aanka Madrid ugu quus goynayso.

Kylian Mbappe ayaa waqti xaadirkan ah xidiga kubbada cagta aduunka ugu qiimaha badan wuxuuna ku helay qaab ciyaareedkii uu soo joogteeyay saddexdii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay iyo waliba saamaynta layaabka leh ee uu kubbada cagta ku yeeshay isaga oo 20 sano jir ah.

Kylian Mbappe ayaa Neymar Jr ka dul qaaday xidiga kooxda Paris Saint-Germain ugu saamaynta badan waxayna maamulka Paris go’aan ku gaadheen in ay kala doortaan Neymar iyo Mabppe.

Wargayska El Pais ayaa shaaciyay in maamulka kooxda Paris Saint-Germain ay Kylian Mbappe ku abaal marinayaan heshiis waali ah oo taariikhda kubbada cagta aduunka gali doona si ay meesha uga saaraan xiisaha kooxda Real Madrid.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Man City Oo Si Rasmi Ah U Dhamaystirtay Saxiixa Difaacii Juventus Ee Joao Cancelo Iyo Xoojinta Guardiola Oo Sii Socota.

Kylian Mbappe ayaa loo soo bandhigi doonaa  heshiis cusub oo shan sanadood ah oo uu xili ciyaareedkiiba ku qaadan doono €50 milyan yuro iyada oo si waali ah sare loogu qaadi doono mushaarka €38 ka milyan yuro ah ee uu hadda xili ciyaareedkii ka qaato kooxda PSG.

Mushaarka ay kooxda PSG doonayso in ay heshiiska cusub kaga saxiixato Kylian Mbappe waxa uu €20 milyan yuro ka sarayn doonaa mushaarka uu hadda Neymar Jr ka qaato kooxda PSG ee uu doonayo in uu ka baxo.

Haddii ay PSG ku guulaysato in ay Kylian Mbappe heshiiska cusub kaga saxiixato 50 milyan yuro oo sanadkiiba ah waxa uu qandaraaskiisa shanta sanadood ku kici doonaa 250 milyan yuro taas oo arin waali ah u muuqata.

SIDOO KALE AKHRISO:  Unai Emery Oo Ugu Danbayn Shaxdii Ay Jamaahiirta Gunners Ku Riyoonayeen Ku Soo Shirtagi Kara Kulanka Emirates Stadium Ee Burnley.

Maamulka kooxda PSG ayaan doonayn in ay lumiyaan Kylian Mbappe oo ay ogyihiin in uu noqon doono xidiga aduunka ugu fiican sanadaha soo socda waana sababta ay doonayaan in ay rekoodhka mushaar bixinta ugu jabiyaan.

Paris Saint-Germain ayaan doonayn in ay Real Madrid kuwada hadlaan adeega Kylian Mbappe iyada oo la ogyahay in Florentino Perez uu doonayo in xagaaga soo socda uu lacag rekoodh aduun ah ku kharash gareeyo saxiixa Mbappe.

Kylian Mbappe ayaa hore loo sheegay in uu iska diiday heshiis cusub oo hore loogu soo bandhigay balse dalabka qandaraaska cusub ee uu hadda sheegay wargayska El Pais ayaa u muuqda mid lama diidaan ah.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Inter Milan Oo Si Rasmi Ah U Dhamaystirtay Heshiiska Ay Juventus Kaga Dul Qaaday Romelu Lukaku.

Mbappe ayaa xili ciyaareedkii la soo dhaafay waxa uu soo dhaliyay 33 gool oo horyaalka France ah kadib markii uu saftay 29 kulan wuxuuna ku dhamaystay xili ciyaareedka isaga oo u cadhaysnaa macalinkiisa Thomas Tuchel oo kulamada qaar kaydka dhigay isaga oo u arkay in ay taasi Messi ka caawisay in uu kabta dahabka ah ee Yurub ku guulaystay.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiska shanta sanadood ee ay ku baxayso 250 ka millyan yuro ee ay maamulka PSG ku doonayaan in ay Mbappe kaga joojiyaan kooxda Madrid ayaa noqonaya mid taariikhda gali doona.